Puntland oo qirtey in hay'adaha QM mashariicdii joojiyeen [Dhageyso]

Image

05 September, 2015(GO)-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay ayaa cadeeyay in amniga Puntland uu yahay mid la isku hallayn karo isla markaana aysan jirin falal amni darro oo dhaca.

Waxa uu sheegay inay Hay'addaha UN-ku caddeeyaan meesha laga keenay amni xumada la faafiyay ee sababta u noqotay inay yaraadaan shaqada Qarmada Midoobay ka fulin jirtay Puntland.

Camay oo hadalkan ka sheegay shir ka dhacay Garowe oo dib u eegis loogu samaynayay mashruuca hormarinta degmooyinka Puntland ee JPLG ayaa tilmaamay amni xumada la tuhunsanyahay inay ka jirto Puntland sababtay in mashruucu sanadka 2015 sidii loogu tala galay uusan u fulin.

Ku-xigeenka madaxweynah Puntland ayaa xusay in Hay'adda UN-ka u qaabilsan dhanka bad-baada iyo amniga ee UNDSS ay kulmaan islamarkaana iska xog-waraystaan xaaladda, balse ay doonayaan cidda faafisay xogta sheegaysa ammaan darrada si Puntland uga jawaabto.

Deeq bixiyaasha ayaa Nairobi saldhigyo ka samaystay waxaana mas'uuliyiinta Puntland looga yeeraa dalka Kenya si loogala hadlo mashaariicda Puntland laga fulin lahaa madaama aysan isku hallayn karin inay yimaadaan gudaha Puntland weerarkii April ka dib.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku sugan dalka Kenya gaar ahaan Nairobi oo uga qayb galayo shir looga hadlayo kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

"Deeq-bixiyaasha waa maqan yihiin waxaa ay rabaan in Nairobi loogu tago, marka waxbaan idin siinaynaa waana idin ku xukumaynaa hadii ay tahay dib ayaan u eegaynaa" ayuu yiri Camay.

Dhawaan Garowe, waxaa qarax lagu weeraray bas ay saarnaayeen shaqaale ka tirsan UNCEF xilli ay ku socdeen shaqo maalmeedkooda waxaana ku dhintay dhawr ajnabi ah, falkaas ka dibna waxaa yaraaday dhaqdhaqaaqa shaqaalaha Qarmada Midoobay ee Puntland iyagoo ka cabsi qaba weeraro kale madaama xukuumadda Puntland ku guuldaraysatay inay wax ka qabato ammaanka Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM