Camay oo amray in diyaaradaha tagaya Buuhoodle fasax ka qaataan Puntland

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa amar ku bixiyay inaysan diyaaradaha u socda degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn aysan tagi karin ilaa ay fasaxdo xukuumadda Puntland.

Camay, ayaa sheegay in deegaanadaas ay maamusho Puntland, sidaas awgeed cid kasta oo danaynaysa inay halkaas u tagto arrimo shaqo ka amar qaataan wasaaradda Duulista hawada iyo Garoomada Puntland.

Tallaabadii ugu horeysay ee ka turjumaysa amarkiisa ayuu maalintii shalay sameeyay mudane Camay isagoo Garowe kasoo dajiyey diyaarad kusii jeeday degmada Buuhoodle.

Mar uu ka hadlayay arrintaas wuxuu sheegay in danta laga leeyahay ay tahay sidii loo hubin lahaa cidda tagaysa degmadaas, isagoo carrabka ku dhuftay in diyaaradda lagasoo dajiyay caasumadda Puntland ay la socdeen 8 qof oo 7 kamid ah ay u dhasheen Maraykanka halka kan kale uu kasoo jeedo magaalada Sydney ee dalka Australia.

“Runtii waxay ahaayeen wafdi doonayay inay si sharci darro ah ku yimaadaan Puntland kuna soo galaan degmada Buuhoodle, anagoo marka adeegsanayna wasaaradda duulista hawada Puntland, waxaan ku guulaysanay inaan diyaaradaas kasoo dajino Garowe si loo hubiyo waxa ay yihiin iyo cidda la socda iyo ujeedka safarkooda,” Ayuu yiri Camay.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu sheegay inay fasaxeen diyaaradaas iyo dadkii saarnaa oo uu sheegay inay u socdeen gar-gaarka dadka deegaankaas degan markii horena ay marin habaabiyeen dad sheegtay inay ka taliyaan gobolka.

Mar wax laga weydiiyay in Puntland siyaasadaynayso gar-gaarka loo fidinayo dadka ku nool degmada Buuhoodle, maadama ay joogaan Somaliland, Puntland iyo Khaatumo dhammaantood sheegtaan inay ka taliyaanm,  ayuu yiri, “Waxaad kala saartaan siyaasadaynta iyo amniga, runtii waad la socotaan waddanka waxaa ka jira amni darro, dadka Somaaliyeed dhibka haystaan waa nabad-galyo la’aan, marka anagu waxaan u dhaaranay inaan inaan ilaalino dadka iyo deegaankeena, waxaana wajib ah inana ogaano cida imanaysa iyo waxay doonayaan.”

Tallaabadan ayaa timid xilli dhowr diyaaradood oo dawo iyo deeq wada ka dageen Buuhoodle oo hadda ka jirto xaalad adag oo caafimaad darro, waxaana ka dilaacay shuban biyood sababay dhimasho aad u badan.

Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa noqday kuwo muran xoog leh ka taagnaa muddooyinkii dambe, waxaana la dagay khilaafyo siyaasadeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM