Camay oo lacag ku wareejiyay (PSAWEN)

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, Cabdixakiim Cumar Camay, ayaa maanta 09 April 2017 ku wareejiyey lacag dhan $100,000 oo dollar hay’adda Biyaha, Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Puntland (PSAWEN).

Deeqdan ayaa loogu talagalay in lagaga qayb qaato gurmadka loo fidinayo dadka abaaruhu saameeyeen ee ku sugan degaanada Puntland.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha ayaa shegay in ay lacagtan ahayd $150,000 oo dollar taas oo Puntland kasoo gaartay guddiga gurmadka Abaraaha dawladda Fadaraalka Soomaaliya.

$50,000 oo dollar oo kamid ah lacagtaas ayaa horey loogu wareejiyeen  guddiga abaaraha gobolka Mudug, halka $100.000 soo haray la siiyay hay’adda (PSAWEN).

Lacagta lagu wareejiyay PSAWEN, ayaa la sheegay in lagusoo gadi doono 6 booyadood oo biyo loogu dhaamiyo shacabka.

Camay ayaa xusay in jiraan dad badan oo isaga kala yimid maamullada Somalia qaybtood, sidaas darteed loo baahanyahay in il gooni ah lagu eego.

Wuxuu u mahad-celiyay guddiga abaaraha qarkanka Somalua.

Wareejinta lacagtan ayaa timid xilli horay dowladda u sheegtay inay ku gadi doonto booyado dadka biyo loogu dhaamiyo.

Abaaraha ka jira dalka Somalia, ayaa iminka maraya meeshii ugu sarraysay, waxaana socda dadaallo lagu samatabixinayo dadka iyo duunyada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM