Camay oo lacag ku wareejiyay (PSAWEN)

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, Cabdixakiim Cumar Camay, ayaa maanta 09 April 2017 ku wareejiyey lacag dhan $100,000 oo dollar hay’adda Biyaha, Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Puntland (PSAWEN).

Deeqdan ayaa loogu talagalay in lagaga qayb qaato gurmadka loo fidinayo dadka abaaruhu saameeyeen ee ku sugan degaanada Puntland.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha ayaa shegay in ay lacagtan ahayd $150,000 oo dollar taas oo Puntland kasoo gaartay guddiga gurmadka Abaraaha dawladda Fadaraalka Soomaaliya.

$50,000 oo dollar oo kamid ah lacagtaas ayaa horey loogu wareejiyeen  guddiga abaaraha gobolka Mudug, halka $100.000 soo haray la siiyay hay’adda (PSAWEN).

Lacagta lagu wareejiyay PSAWEN, ayaa la sheegay in lagusoo gadi doono 6 booyadood oo biyo loogu dhaamiyo shacabka.

Camay ayaa xusay in jiraan dad badan oo isaga kala yimid maamullada Somalia qaybtood, sidaas darteed loo baahanyahay in il gooni ah lagu eego.

Wuxuu u mahad-celiyay guddiga abaaraha qarkanka Somalua.

Wareejinta lacagtan ayaa timid xilli horay dowladda u sheegtay inay ku gadi doonto booyado dadka biyo loogu dhaamiyo.

Abaaraha ka jira dalka Somalia, ayaa iminka maraya meeshii ugu sarraysay, waxaana socda dadaallo lagu samatabixinayo dadka iyo duunyada.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM