Camay oo shaqadii ka joojiyay Agaasimihii Guud ee Hay’adda Socdaalka Puntland

Image

GAROWE, Puntland- Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa shaqadii lagaga joojiyay Agaasimihii guud ee hay’adda Socdaalka  iyo Jinsiyadaha Puntland Maxamuud Faarax Ashkir.

Shaqo Joojintan ayaa loo cuskaday in mas’uulkan da’yarta ah oo dhawaan booskaas loo magacaabay in lagu helay eedo la xiriira inuu ku kacay tallaabooyin xad gudub ku ah shaqada dowliga ah.

Inkastoo aan si cad loo sheegin kiiska lagu haysto Ashkir, hadana waxaa wararku sheegayaan in loo haysto wax isdaba marin iyo musuq maasuq.

Shaqadiisa waxaa si KMG  ah loogu magacaabay inuu sii wado Agaasime ku-xigeenka Hay’adda Cabdikariim Maxamed Faarax (Dhagaweyne).

Digreetadaas oo si toos ah ugu socotay wasaaradaha Amniga, Maaliyadda, Xisaabiyaha Guud, Hanti Dhowrka Guud iyo taliska Ciidanka Booliiska ayaa lagu sheegay in Ashkir shaqadii uu hayay laga joojiyay islamarkaana la socdaan laamahaasi.

Mas’uulka shaqada laga joojiyay kama uusan hadlin shaqo joojinta lagu sameeyay iyo sida uu u arko.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Ashkir booskan u magacaabay bil kahor.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM