Camay oo shaqadii ka joojiyay Agaasimihii Guud ee Hay’adda Socdaalka Puntland

Image

GAROWE, Puntland- Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa shaqadii lagaga joojiyay Agaasimihii guud ee hay’adda Socdaalka  iyo Jinsiyadaha Puntland Maxamuud Faarax Ashkir.

Shaqo Joojintan ayaa loo cuskaday in mas’uulkan da’yarta ah oo dhawaan booskaas loo magacaabay in lagu helay eedo la xiriira inuu ku kacay tallaabooyin xad gudub ku ah shaqada dowliga ah.

Inkastoo aan si cad loo sheegin kiiska lagu haysto Ashkir, hadana waxaa wararku sheegayaan in loo haysto wax isdaba marin iyo musuq maasuq.

Shaqadiisa waxaa si KMG  ah loogu magacaabay inuu sii wado Agaasime ku-xigeenka Hay’adda Cabdikariim Maxamed Faarax (Dhagaweyne).

Digreetadaas oo si toos ah ugu socotay wasaaradaha Amniga, Maaliyadda, Xisaabiyaha Guud, Hanti Dhowrka Guud iyo taliska Ciidanka Booliiska ayaa lagu sheegay in Ashkir shaqadii uu hayay laga joojiyay islamarkaana la socdaan laamahaasi.

Mas’uulka shaqada laga joojiyay kama uusan hadlin shaqo joojinta lagu sameeyay iyo sida uu u arko.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Ashkir booskan u magacaabay bil kahor.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM