Camey oo qayb ka ah codsi Beelaha Woqooyi ku dalbanayaan Xildhibaano Dheeri ah [ AKHRI]

Image

MUQDISHO, Somalia- Qoraal hordhac ah oo nuqul kamid ah warsidaha Garowe Online soo gaarey ayaa waxaa uu ka hadlayaa codsi beelaha kasoo jeedaa gobolada Somaliland kaga dalbanayaan madaxda madasha Somaliyeed, beesha caalamka, Madaxweynaha Somalia iyo Ra'isal Wasaarha in loo kordhiyo tirada guud ee xildhibanada aqalka sare ku leeyihiin inta u dhexeysa 15-18 iyadoo la tixgalinayo nidaamkii hab qaybsiga  dowladnimo Somalia markii ay xornimada qaadatey kaasoo ahaa Koonfur iyo Woqooyi.

Qoraalkaan diyaarintiisa oo ay qayb ka yihiin madaxda Puntland gaar ahaan Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo Xildhibaan Saadiq Garaad ayaa maalmihii lasoo dhaafey ka socdey magaalada Muqdishu.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo xubno xildhibaano ah ee kasoo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa muddo 21 cisho ah joogey magaalada Muqdishu muddo 21 cisho ah baadigoobka kuraas xildhibaano ah ay la wadaagaan beelaha gobolada Woqooyi kasoo jeeda iyadoo wararku sheegayaan in lagu qaunciyey kulamo badan kadib in sida kaliya oo ay ku heli karaan xildhibaano tahay iyagoo kuraas dheeri la raadiya beelahaan taasoo qoraalkaan ku xusan.

Xogta qoraalkaan xambaarsan yahay ayaa sheegeysa in qoraalkaan la diyaariyey kadib markii magaalo madaxda Somalia soo gaareen wafti balaaran uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Puntland islamarkaana kulamo yeesheen madaxda dhaqanka, siyaasiyiinta iyo waxgaradka dhamaan beelaha ka soo jeedaa gobolada Woqooyi-Somaliland iyadoo go'aan lagu gaarey qodobada ku xusan lifaaqa waraqdaan.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo ku sugan magalada Muqdishu ayaa sidoo kale qayb ka ah talaabooyinkaan khatarta ku ah jiritaanka Puntland islmarkaana jabinaya Dastuurka.

Halkaan ka akhri qoraalka beelaha Woqooyi doyaariyeen tasoo Madaxweyne ku xigeenka Puntland qayb ka yahay: Aqalka Sare 10_signed.pdf

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM