Caqabad soo wajahday Shirka Maamulada iyo DF ee Garowe [XOG]

Image

GAROWE, Puntland - Wararka Warsidaha Garowe Online uu ka helayo shirka uga socda magaalo madaxda Puntland ayaa sheegaya in la isku afgaran waayey in la xaliyo Khilaafka u dhexeeya Galmudug iyo Dowlada Federaalka.

Xogaha soo baxaya ayaa sheegaya in uu buburey shir albaabada u xirnaa, oo maanta galinka hore ay yeesheen madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, kaas oo la isku afgran waayey xalinta khilaafka.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa xusaya in wafdiga uu hogaaminayo Madaxweyne Xaaf uu sheegay inuu shirka ka baxayo, taas oo caqabad ku noqneysa in heshiis loo wada dhan yahay la gaaro.

Shirka wadatashiga Garowe ayaa waxaa ku sugan Farmaajo iyo Khayre oo isku dayay inay qanciyaan madaxda maamullada islamarkaana heshiis kama dambeys ah laga gaaro qodobadii uu khilaafka ka taagnaa, lana soo celiyo wadashaqeynta.

Hogaamiyeyaasha Soomaaliya ayaa miiska u saaran qodobo muhiim ah, kuwaasoo ay kamid yihiin Sharciga doorashooyinka, Sharciga Batroolka, Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda, dib u eegista dastuurka iyo wadaagga Khayraadka dalka.

Madaxda maamullada ayaa Dowladda Dhexe ka dalbaday in la joojinta sharciyadii dhawaan la ansixiyay, sida Batroolka iyo Doorashooyinka, illaa heshiis siyaasadeed oo loo wada dhan yahay laga gaarayo, taasina la isla afgartay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM