Caqabaha ku horgudban in doorasho qof iyo cod ay ka hirgasho Puntland

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa isku diyaarineysa in shan sano kadib ay qabato doorasho qof iyo cod kahor hir-gelinta nidaamka xisbiyada badan.

Shir arrimahaasi loogu gogol xaarayo ayaa Sabtidii ka furmay caasimada gobolka Nugaal, kaasi oo lagu lafaguray qaabka loo fulin karo iyo caqabadaha jira.

Caqabaha ayaa lagu kala sheegay in ay kala yihiin; Tirakoobka dadka, amniga iyo xuduudaha degmooyinka oo aanan wali si waafi ah u kala caddeyn.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dimoqraadiyeenta Puntland, oo war-fidiyeenka u waramay, ayaa shaaciyay in wax laga qabanayo arrimahaasi kahor coddeynta.

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo hoosta ka xariiqay in xukuumadu ka go’an tahay hir-gelinta nidaamkiisa ayaa rajo fiican ka muujiyay in la gaaro.

"Puntland way qaadatay in ay hir-geliso doorasho qof iyo cod iyo nidaamka xisbiyada waana qodob dastuuri ah," ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka.

Madaxwayne Deni ayaa intii uu ol'olalaha ku jiray iyo kadib waxa uu wacad ku maray in doorasho ka gedisan kuwii hore ay ka qabmeeyso Puntland 2023-ka.

Wasiir Dhabancad ayaa sidoo kale shaaciyay in sanada soo aadan ay qaban doonan doorashooyinka Golayaasha Degaanka taasi oo horudhac u ah doorashada guud.

"Afarta xisbi qaran ayaa kadib sameysi doona," ayuu wasiirka hadalkiisa ku daray, isaga oo muujiyay in ay ku dadaali doonan in laga baxo nidaamka qabiilka.

Puntland oo ku guda jirta sanadkii 23-aad kadib aas-aaskeeda ayaa ah maamulkii ugu horeeyay ee Soomaaliya laga aas-aasey ee qaatay nidaamka federaalka.

“Sida federaalka u baahay markii ay Puntland qaadatay ayayna ugu baaheysa Soomaaliya oo idil hadii Puntland qabato doorasho qof iyo cod," ayuu yiri Xeel-dheere arrimaha doorashooyinka faalooda.

Beesha Caalamka oo muujisay in ay doonayaan in dimoqraadiyeenta Puntland ay si dhab ah u hir-gasho ayaa balanqaday in ay ka taageeri doonan xukuumada Deni in shacabka dib loogu celiyo talada.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Hay'adda FAO oo ka shiray xoojinta xiriir wadashaqeynta

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgaley xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Puntland.

  • Puntland

    06-05-2024

  • 01:08PM

Khasaaro ka dhashay shil gaari oo ka dhacay degmada Dangoronyo

Shilkaan ayaa ku soo beegmaya kadib markii xalay Roobab daadad wata ay ka da'een Gobalada Puntland.

  • Puntland

    05-05-2024

  • 12:57PM