Carro ka dhalatay war uu baahiyey TV-ga dowlada Puntland

Image

GAROWE, Puntland – Puntland oo kamid ah dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa la aas-aasay sannadkii 1998 iyadoo ujeedka ugu weyn uu ahaa in dadka degaankaas oo xilligaas ka koobnaa 5 gobol iyo degmadda Buhoodle ay helaan maamul ay ku miday-san-yihiin.

Dowladda Puntland ayaa ka kooban saddex gole oo kala ah; Golaha Wakiiladda [baarlamaanka], golaha fulinta iyo cadaaladda [garsoorka – maxkamadaha].

Lixdanka iyo lixda [66] xubnood ee baarlamaanku ka kooban yahay oo lagu qeybsado degaanadda yagleelida maamulkan ku midoobay ayaa lagu jaangooyaa dhismaha Golaha Fulinta ama Golaha Wasiiradda.

Iyaddoo si guud nidaamka dowliga ah ee Soomaaliya uu ku saleysan yahay nidaamka awood-qeybsiga beelaha 4.5, haddana hay'addaha dowladda u xil-saaran fulinta waxay meesha ka saaraan ku dhaqankiisa taas oo dib-u-dhac ku keentay horumarka dowladnimadda Soomaaliya.

Inkasta oo sanadkan 2021 ay 23-sano jirsaneyso, Puntland ayaan wali ka gudbin hanaankan awood-qeybsiga, waxaana wali mudaneyaasha Aqalka Wakiilada lagu soo xulaan isla geedi-u-socod lamid ah habkii 1998-dii.

Nidaamkan ayaa lagu guuldaraystay in laga gudbo mudadii uu maamulkan jirey, balse waxaa bilow fiican sameeyay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdiraxmaan Faroole, halka Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Dani xilli hore uu qaaday tallaabo rajo galinaysa in doorashooyinka soo socda heer dowlad hoose iyo heer Baarlamaanka lagu galo nidaamka xisbiyada badan.

No photo description available.

Xilli dib-u-dhacaas uu jiro, warbaahinta dowladda Puntland ayaa shalay – 12 February, 2021 – waxay barta ay ku leedahay mareegta Facebook ku baahisay kulan qabiileed uu soo agaasimay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dimuqraadiyadda, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad kaasoo ka dhacay duleedka magaalada Garowe.

Ma aha wax cusub in xubnaha golaha wasiirrada ay booqdaan degaanada ay kasoo jeedaan lana kulmaan shacabka ay metelaan gaar ahaan qabaa’illada ay kasoo jeedaan howlo shaqo darteed.

Balse, marka ay timaado baahinta waxaa kaalinta ugu weyn la siin jiray warbaahinta gaarka loo leeyahay ama tan dowladda oo qaab tifaftiran oo faafreeb leh u sii deyn jirtay warbixinahaas.

Baahinta kulanka uu qabanqaabiyey Mr Dhabancad waxay la kulantay falcelino kala duwan oo ka yimid dadweynaha. Inkasta oo aragtiyaha kala duwan yihiin, haddana waxay isku raaceen "in baahinta ay ahayd mid aan ku habooneyn warbaahin dowladeed oo dadka u siman yihiin".

May be an image of 1 person

Wallow ay tahay khatar la filan karo mustaqbalka dhow iyo midka fog, talaabadan ayaa dhabaha u xaari karta in bulshooyinka qaar ay dalbadaan in wararkooda si qabiilaysan looga sii daayo telefishinka dowladda maadaama lagu maalgeliyo qeyb ahaan canshuurta dadka shacabka.

Kadib markii guddiga doorashooyinka ku meelgaarka ah uu diiwaan-geliyey 10 urur siyaasadeed, Puntland ayaa isku-diyaarineysa in doorashooyinka soo aadan ay u dareerto mid qof iyo cod ah oo shacabka kusoo xushaan wakiiladooda taas oo soo afjareysa maalmihii habka qabiilka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM