Caruur qarax miino ugu geeriyootay degmada Buraan gobolka Sanaag

Image

05 January, 2016(GO)-Labo caruur ah ayaa dhintay mid kalena waxaa soo gaaray dhawac culus kadib miino kula qaraxday deegaan lagu magacaabo Ballibusle oo 27KM u jira degmada Buraan gobolka Sanaag.

Gudoomiyaha degmada Buraan Botan Axmed Botan ayaa Radio Garowe u xaqiijiyay dhimashada caruurtan oo uu sheegay inay dhammaantood yihiin walaalo, isagoo tilmaamay Miinada qaraxday inay u malaynayaan kuwa gacanta laga tuuro.

Botan ayaa tilmaamay caruurtan inay la joogeen xoolo kana dhasheen qoys reer guuraa ah, wuxuuna xusay in arrintaasi tahay qadar dhacday balse goobta aysan ahayn meel lagu saadaalin karo haraadiga waxyaabaha qarxa.

Maamulka degmadaas ayaa xusay inay ku rajo weyn yihiin qaabkii loo saacidi lahaa qoyska arrinta soo gaartay, waloow uu xusay in dowladda hadda jirta aan looga baran wax u qabashada dadka tabaalaysan sida uu carrabka ku dhuftay Botan Axmed Botaan gudoomiyaha degmada Buraan gobolka Sanaag.

Qaraxa miinadan ayaa yimi kadib markii uu gabiyay shaqadii hay'adaha miino baarista Puntland mudadii uu joogay Madaxweyne Gaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM