Ciidamada amaanka Puntland oo qabtey qaraxyo kale

Image
Image
Image

BOSSASO- Ciidamada amaanka Puntland ayaa Barta kintroolka magalaada Bossaso ku qabtey gaari nooca candhamaydlaha loo yaqaan oo sida qalab kala duwan ay ku jiraan waxyaabaha qarxa.

Wararka ayaa sheegaya in qalabkaan ay wateen labo nin kuwasoo iminka ku jira gacanta ciidamada amaanka Puntland.

Wa markii labaad ee ciidamada amaanka Puntland gacanta ku dhigaan qalab qarax ah oo loo wadey gudaha xarunta ganacsiga Puntland.

Qalabkaan ayaa wararka sheegayaan in lagu soo qariyey mid kamid ah gaawirada qudaarta ka keenta magalada Baladweyne oo ka tirsan maamulka Hir-Shabeele.

Gaarigaan lagu qabtey afaafka hore ee magalaada Bossaso ayaa u muuqdey mid soo dhaafey dhamaan magalooyinka kale ee Puntland laga soo bilaabo magalaada Galkacayo.

Dhowaan ayey aheyd markii Maxkamada ciidamada Puntland xakumo kala duwan ku xukuntey koox dhalinyaro ah oo sidey qaraxyo lagu waxyeeleynayo amaanka magalaada Bossaso.

Ciidamada amaanka Puntland ayaa weli ka hadlin qalabakaan lagu sameyn lahaa qaraxyada oo la qabtey.

GAROWEONLINE 

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM