Ciidamada AMISOM oo kaabiga u saaran Diinsoor iyo Bardheere

Image

Jul 22, 2015 (GO)- Ciidamada AMISOM oo ay weheliyaan kuwa Dawladda Faderaalka ah ee Soomaaliya ayaa kaabiga ku haya magaalooyinka Baardheere iyo Diinsoor. Sarakiisha ciidamada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegaya inay ururka Al-shabaab ka qabsadeen dhul iyo deegaano ay ka talinayeen. 

Howlgalkan ayaa midowga Afkrika ugu yeeray xoreynta nawaaxiga Jubbooyinka, ayaa ku bilowday labo waji.

Ciidama huwanta ah ayaa 30KM u jira degmada Baardheere, waxaana ka qayb qaadanaya diyaarahada dagaalka iyadoo dadka deegaanka sheegeen inay maqleen ilaa Lix gantaal oo diyaaradaahasi rideen.

Dhinaca kale ciidamada dawlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa kaabiga ku haya degmada Diinsoor, waxay u jiraan qiyaastii  45KM.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Somalia Gen. Cabdirazaaq Khaliif Cilmi oo la hadlay warbaahinta dawladda ayaa sheegay inay madaxa la sii galayaan magaalooyinka Diinsoor iyo Baardheere.

Gen. ayaa sheegay in qorshodoodu yahay in urur Al-shabaab ka xoreeyaan meelaha ay kaga sugan gobolada Bay iyo Gedo.

Howl-galkan oo ay kawada qayb qaadanayan ciidamada maamulada Jubbaland, Koonfur Galbeed Somalia , DFS iyo kuwa midowga Afrika ayaa la kul maya meelaha qaar iska caabin uga imaanaysa ururka Al-shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM