Ciidamada amniga Bosaso oo xiray Nabadoon Xarrago

Image

BOSASO, Puntland- Ciidamada ammaanka gobolka Bari ayaa xalay xabsiga u taxaabay Nabadoon Xarrago oo kamid ah duubabka dhaqanka ee caanka ka ah gobolkaas, kadib waraysi uu siiyay laanta Afka- Somaliga ee VOA.

Nabadoonka ayaa faah faahin waraysigaas uga bixiyay booqasho uu ugu  tagay dhalinyaro dhawaan lagu xukumay magaalada Bosaso, kuwaasoo loo haystay dilal ka dhacay xarunta ganacsiga Puntland.

Xariggan ayaa yimid kadib markii uu sheegay inuu jirdil loo gaystay dhalinyaro 7 ah oo dhawaan xukun dil ah lagu riday kadib markii lagu helay dambi ah inay dileen islamarkaana wax ka ogaayeen falal kale oo ka dhan ah amniga iyagoo katirsan kooxda Al Shabaab sida maxkamaddu horay  u sheegtay.,

Wuxuu nabadoon Xarrago si cad u sheegay in dhalinyaradaas  jirdil Ba’an oo loo geystay intii  ay xabsiga ku jireen.

Tallaabadan ayaa keentay inuu ka caroodo maamulka Puntland, waxaana xabsiga la dhigay xalay iyadoo ilaa hadda war-rasmi ah laga hayn goobta lagu hayo.

In xabsiga la dhigay, waxaa warbaahinta u xaqiijisay gabar uu adeer u yahay oo Bosaso ku sugan, waxayna tilmaamtay in nabadoonka la qabtay xilli uu marayay gudaha magaalada Bosaso.

"Adeer xalay ayaa lagu xiray magaalada Bosaso, waxaa la socday darawalka gaariga u waday isaga ayaana noo xaqiijiyay in la xiray. War kama hayno goobta lagu hayo iyo sababta loo xiray midna," Ayay tiri gabar uu adeer u yahay nabadoonka oo ka hadlaysay xarigiisa.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka Puntland oo ku aadan xariga Xarrago.

Dhinaca kale, waxaa xalay magaalada Bosaso ka dhacay bannaan-bax looga soo horjeedo xarigga nabadoonkaas.

Arrintan ayaa kusoo aaday xilli Madaxweynaha Puntland ku suganyahay magaalada Bosaso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gollaha Wakiillada Puntland oo Xubinimo ka qaaday Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Cabdirashid, oo dhowaan dib ugu soo noqday Puntland, ayaa lagu eedeeyey inuu khatar geliyey amniga guud ee Puntland.

  • Puntland

    15-07-2025

  • 12:42PM

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM