Ciidamada amniga Bosaso oo xiray Nabadoon Xarrago

Image

BOSASO, Puntland- Ciidamada ammaanka gobolka Bari ayaa xalay xabsiga u taxaabay Nabadoon Xarrago oo kamid ah duubabka dhaqanka ee caanka ka ah gobolkaas, kadib waraysi uu siiyay laanta Afka- Somaliga ee VOA.

Nabadoonka ayaa faah faahin waraysigaas uga bixiyay booqasho uu ugu  tagay dhalinyaro dhawaan lagu xukumay magaalada Bosaso, kuwaasoo loo haystay dilal ka dhacay xarunta ganacsiga Puntland.

Xariggan ayaa yimid kadib markii uu sheegay inuu jirdil loo gaystay dhalinyaro 7 ah oo dhawaan xukun dil ah lagu riday kadib markii lagu helay dambi ah inay dileen islamarkaana wax ka ogaayeen falal kale oo ka dhan ah amniga iyagoo katirsan kooxda Al Shabaab sida maxkamaddu horay  u sheegtay.,

Wuxuu nabadoon Xarrago si cad u sheegay in dhalinyaradaas  jirdil Ba’an oo loo geystay intii  ay xabsiga ku jireen.

Tallaabadan ayaa keentay inuu ka caroodo maamulka Puntland, waxaana xabsiga la dhigay xalay iyadoo ilaa hadda war-rasmi ah laga hayn goobta lagu hayo.

In xabsiga la dhigay, waxaa warbaahinta u xaqiijisay gabar uu adeer u yahay oo Bosaso ku sugan, waxayna tilmaamtay in nabadoonka la qabtay xilli uu marayay gudaha magaalada Bosaso.

"Adeer xalay ayaa lagu xiray magaalada Bosaso, waxaa la socday darawalka gaariga u waday isaga ayaana noo xaqiijiyay in la xiray. War kama hayno goobta lagu hayo iyo sababta loo xiray midna," Ayay tiri gabar uu adeer u yahay nabadoonka oo ka hadlaysay xarigiisa.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka Puntland oo ku aadan xariga Xarrago.

Dhinaca kale, waxaa xalay magaalada Bosaso ka dhacay bannaan-bax looga soo horjeedo xarigga nabadoonkaas.

Arrintan ayaa kusoo aaday xilli Madaxweynaha Puntland ku suganyahay magaalada Bosaso.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM