Ciidamada beelaha ku dagaalamay Puntland oo la kala qaaday [Dhagayso]

Image

05 September, 2015(GO)-War ka soo baxay Nabadoono shir ku yeeshay magalada Burtinle ee gobolka Nugal ayaa sheegaya in laka qaaday ciidamada beelaha ku dagalamay deegaanada Qorilay iyo Cagaarane.

Waxgarad ka yimi gobolka Bari iyo maamulka Jubbaland ayaa shir ku laaha degmada Burtinle ilaa shalay waxayna shaciyeen inay labada beelood ogolaadeen wada hadal nabadeed.

Nabadoon Cabdilaahi Cabdulle Colow oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay inay soo gaartay xog sheegaysa kala kaxaynta ciidamada, isagoo xusay in haatan goobtii dirirtu ka dhacday ku suganyihiin waxgarad eegaya in labada qolo oofiyeen ballan ah inay ka tagaan ciidamadu deegaanada colaaddu ka dhacday.

"Labadii qolaba waa ay aqbaleen, labadii ciidan waa laka la ka xeeyay sida nala ku yiri, waxayna yiraahdeen qola walba nabad ayaan diyaar u nahay "ayuu yiri Nabadoonku.

Ergo gaaraysa ilaa 70 ayaa ku sugan dhinaca Sool, halka degmada Burtinle ay joogaan waxgarad ka yimi gobolka Bari iyo magalada Kismayo, waxaana dhawaan loo ballansanyahay shir nabadeed oo ka dhaca degmadaasi.

Colaadda oo u dhaxaysa laba beelood oo walaalo ah ayaa dhawaan ka dhacday deegaanada Qorilay iyo Cagaarane oo ka tirsan gobolada Sool iyo Nugal, waxaana ku dhintay ku dhawaad 20 ruux.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM