Ciidamada beelaha ku dagaalamay Puntland oo la kala qaaday [Dhagayso]

Image

05 September, 2015(GO)-War ka soo baxay Nabadoono shir ku yeeshay magalada Burtinle ee gobolka Nugal ayaa sheegaya in laka qaaday ciidamada beelaha ku dagalamay deegaanada Qorilay iyo Cagaarane.

Waxgarad ka yimi gobolka Bari iyo maamulka Jubbaland ayaa shir ku laaha degmada Burtinle ilaa shalay waxayna shaciyeen inay labada beelood ogolaadeen wada hadal nabadeed.

Nabadoon Cabdilaahi Cabdulle Colow oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay inay soo gaartay xog sheegaysa kala kaxaynta ciidamada, isagoo xusay in haatan goobtii dirirtu ka dhacday ku suganyihiin waxgarad eegaya in labada qolo oofiyeen ballan ah inay ka tagaan ciidamadu deegaanada colaaddu ka dhacday.

"Labadii qolaba waa ay aqbaleen, labadii ciidan waa laka la ka xeeyay sida nala ku yiri, waxayna yiraahdeen qola walba nabad ayaan diyaar u nahay "ayuu yiri Nabadoonku.

Ergo gaaraysa ilaa 70 ayaa ku sugan dhinaca Sool, halka degmada Burtinle ay joogaan waxgarad ka yimi gobolka Bari iyo magalada Kismayo, waxaana dhawaan loo ballansanyahay shir nabadeed oo ka dhaca degmadaasi.

Colaadda oo u dhaxaysa laba beelood oo walaalo ah ayaa dhawaan ka dhacday deegaanada Qorilay iyo Cagaarane oo ka tirsan gobolada Sool iyo Nugal, waxaana ku dhintay ku dhawaad 20 ruux.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM