Ciidamada daraawiishta Puntland dib u qabsaday Af Urur

Image

GAROWE, Puntland – Xoogaga dowlada Puntland ayaa maanta oo Talaado ah dib u qabsaday tuulada Af Urur ee gobolka Bari, sidda ay warsidaha Garowe Online u sheegeen mas'uuliyiinta.

Tani ayaa ka dambeysay markii ay faarujiyeen tuuladaasi dagaalameyaasha Al-Shabaab oo gacanta degaanka hantay isbuucii hore markii ay 30-kii May ka baxeen ciidanka Puntland.

Taliska Ciidanka Daraawisihta Puntland ayaa tibaaxay in aysan jirin wax iska hor-imaad ah oo ay la kulmeen ciidamada oo aad u hubeysnaa isla markaana watay gaadiidka dagaalka.

Ciidanka ayaa dib ula wareegay saldhiga weyn ee Af Urur iyo dhufeesyadii kale ee ay ku lahaayeen degaanka halkaasi oo ay ka qaadi jireen gulufka dalka looga xoreynayo "argagixisadda".

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida aysan wax saanad ah ka qaadan saldhiga oo ay ciidamada Puntland ka baxeen isaga oo maran aysana waxba yaalin.

Tuulada Af Urur oo 60 KM dhanka Koonfur Galbeed uga aaday magaaladda dekada ah ee Boosaaso ah ayaa waxay muhiim u tahay howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish ee gobolka ka socda.

Kooxahaan ayaa degaanada Puntland ku xoogeystay mudadii ay jirtay xukuumadii ka horeysay tan haatan jirtay oo balanqaadey in ay xididaha u siibi doonto maleyshiyaadkani.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM