Ciidamada Iran oo weeraray doon burcad badeed ka afduubtey

Image

28 Nov, 2015 (GO)- Wararka warsidaha Garowe Online soo gaaraya ayaa sheegaya in ciidamada Badda dalka Iran weerar ku qaadeen koox burcad badeed ah oo doon Kaluumeysi kaga haysatey degaanka Ceel Huur.

Doontaan oo magaceeda la oran jirey FV Maxamad ayaa waxaa saarnaa 15 Kaluumeysato ah kuwasoo burcad badeed afduubtey la aadey degaanka Ceel Huur oo hoos taga maamulka Galmudug.

Warsidaha Garowe Online oo la hadley dad degaanka ah ayaa sheegey in doontaan soo weerareen diyaaradaha qumaatiga u kaca kuwasoo uu suurtagshey iney burcad ka furtaan doontaas.

Ma aysan sheegin khasaarihii halkaas ka dhacey iyadoo warar sheegayaan in weerarkaas la rumeysan yahay iney ka dambeeyeen ciidamada Badda Iran oo ku sugan biyaha badda Cas.

Doonyaha dalka Iran oo kaluumeysi sharci daro ah ka sameeya xeebaha Somalia gaar ahana kuwa Puntland ayaa weerarkaan noqonaya kii ugu horeeyey ee dalka Iran ku soo furto dad maxaabiis ah ee ay burcad badeed ka qabsato.

Dalka Iran ayaa waxaa ka jooga Biyaha Badda Cas maraakiib dagaal kuwasoo isha ku haya dagaalka ka socda dalka Yamen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM