Ciidamada PMPF oo ku milmay xiisada siyaasadeed ee Puntland

Image
Xukuumadda Deni ayaa askartan ka leexisay dhabihii ay ku taagnaayeen tan iyo markii la aas-aasay.

GAROWE, Puntland – Ciidamadda Booliska Badda Puntland ee PMPF ayaa la aas-aasay sanadkii 2011-kii. Waajibaadkooda ayaa ah in ay sugaan ammaanka xeebaha iyo la dagaalanka burcad-badeeda. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaana maalgelisa.

Askarta ayaa ka dhowrsanaa arrimaha siyaasadda tan iyo aas-aaskooda. Balse, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa u xogohu sheegayan inuu ka leexiyey dhabahaas ka weeciyey rabana inuu danahiisa ku meelmariyo.

Magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa 24 saac la soo dhaafey waxaa ku gurmayey ciidamada PMPF iyo kuwa si gaar ah Madaxweynaha Puntland uga hubeeyey beeshiisa hoose. 

Deni oo bishii lasoo dhaafay tagay magaalada Boosaaso ayaa fariisin ka dhigtey saldhiga PMPF. Illo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in uu xerada kasoo bixinayo amaro ciidanka ku faragelinayaan xiisadaha siyaasadeed.

Bartilmaameed "cusub"

Amaradan ayaa ku saabsan in ay ciidanka PMPF-ta ay juub-juub ku hirgeliyaan diiwaan-gelinta lagu muransan yahay gobolka Nugaal. Talaabadan ayaa waxay kusoo hagaagaysaa iyadda oo isla xeradda ay joogaan saraakiisha Imaaraadka Carabta.

"Waxaa loo fasiran karaan in Imaaraadku raali ka yihiin ficiladda Deni maadaama ay ku eeganayaan baalmarida waajibaadka PMPF ee ah sugida ammaanka amniga Puntland balse aan shaqo ku lahayn arrimaha siyaasada iyo doorashooyin dano gaar ah laga leeyahay," ayuu GO u sheegay xogogaal.

Dad xog-ogaal ah ayaa u sheegay warsidaha GO "in bartilmaameedka cusub ee Deni uu yahay gobolka Nugaal maadaama degaanadaas ku sugan yihiin siyaasiyiin iyo waxgrad fahansan diidan danaha Dani ka leeyahay diiwaan-gelinta halka dhinac ah".

Diiwaan-gelin "hubeysan"

Taliska Ciidamadda Kumaandooska Puntland oo xalay shir jaraa’id ku qabtey xaruntooda Garowe ayaa diiwan-gelinta ku tilmaamay "mid hubeysan" waxaana ay ku baaqeen in laga fogaan dhacdo kasta oo horseedaysa iska hor-imaad.

Qaar kamid ah ururadda siyaasadda Puntland ayaa ku eedeeyay Deni in uu kaarka dimuqraadiyadda ku goobayo muddo kororsi, waxaana ay ka digeen cawaaqib-xumo ka dhasha arrintaas oo ah "firaaq dastuuri ah iyo rabshaddo".

Beesha Caalamka oo marar kala duwan Deni kala xaajootey qadiyadda taagan ayaa ku waanisay in uu raadiyo xal loo wada-dhan yahay kana fogaado wax kasta oo keeni kara gacan-ka-hadal ka dhasha geedi-socodka doorashadda tooska ah.

 "Dalalka lacagaha ku bixiya barnaamijyada dimuqaraadiyad gaar ahaan dalka Sweden ayaa lacag ku bixisay barnaamijkaan la isku khilaafsan yahay."  Sidaas waxaa GO u sheegey qof ka warhaya mashaariicda la xiriirta barnaamijkaan. 

"Hay'adda UNDP waxay si hordhac ah ugu bixisay 3 million oo dollar barnaamijkaan waxaana soo mariyey dalalka maaligalinaya diwaan-galinta doorashooyinka golayaasha degaanka ee lagu muransan yahay."ayuu qofkaan ku darey xogaha uu ka hayo barnaamijkaan. 

Geedi-socodka dimuqraadiyeynta Puntland ayaa saqiiray ka gadaal markii doorashooyinkii tijaabada ahaa ay kasoo ifbaxeen waxyaabo is-dabamarin ah gaar ahaan cod kala iibsasho iyo in dad laga diiwaan-geliyey degaano aysan kasoo jeedin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM