Ciidamada Puntland iyo Galmudug oo la kala qaadey

Image

Dec 5, 2015 (GO)- Kadib markii maanta madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug iswaydaarsadeen casumaado, ayaa wararka magaalada Galkacayo ka imaanayaa sheegayaan in lakala qaadey ciidamadii isku horfadhiyey goobihii dagaalladu ka dhaceen.

Wariyaha warsidaha Garowe Online ee ku sugan magaalada Galkacayo ayaa kusoo warramaya in ciidamada Dowlada Puntland la geeyey halka la yiraahdo Abaarey halka kuwa maamulka Galmudug fariisin looga dhigey Bandiiradley.

Talaabadaan ayaa imaaneysa kadib dadaal balaaran oo nabad radain ah oo ay ka sameeyeen magaalada Galkacayo Ra'isal Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweyneyaasha Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, kala rarista ciidamada ayaa timid kadib markii beesha caalamka gaar ahaan Qaramada Midoobey digniin adag u jeedisey madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Mareykanka iyo Britain ayaa lagu sheegey in aan loo dulqaadan doonin dagaal dambe oo ka dhaca magaalada Galkacayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM