Ciidamada Puntland oo dilay tobban dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Ciidamadda difaaca dowladda Puntland ee loo yaqaano PMPF ayaa sheegay in ay "jab xoogan" gaarsiiyeen dagaalamayaal Al-Shabaab ah oo qorsheynayey in ay cutubyadda kusoo qaadaan weerar.

Taliyaha kumaandooskan, Baari Salaad Axmed oo u waramay Puntland State Tv, ayaa shaaciyey in ay heleen xogta "cadowga" isla markaana ay ku weerareen bartii ay isku abaabulayeen oo ah Toga Habar Hunbulo.

Iska hor-imaad dhinacyadda ku dhexmaray aagan ku dhow degaanka Bali-khadar ee gobolka Bari ayaa sababay dhimashada 10 Al-Shabaab ah, sidda uu ka dhawaajiyey taliyaha oo qiray dhaawaca hal askari ah.

Mr Baari oo xusay in dhaawaca askariga uu yahay mid fudud ayaa tilmaamay in ay gacanta ku hayaan saddex maxaabiis ah, kuna furteen hub.

Taliska PMPF-ta ayaa soo bandhigay meydadka maleyshiyadda argagixisada ah iyo hubkooda, waxaana xubnaha la dilay ay ahaayeen dhalinyaro.

Xuseen Cali Maxamuud, taliyaha qeybta booliska gobolka Bari iyo Cabdisamad Abwaan, gudoomiyaha gobolka Bari oo ciidamadda ku booqdey degaanka Bali-khadar ayaa ku bogaadiyey "howlgalkan qorsheysan".

"Ciidanka PMPF waxay har iyo habeen dadaal dheer ugu jiraan ciribtirka kooxaha nabadiidka ah ee Shabaab iyo Daacish Badd Iyo Berriba," ayaa la raaciyey qoraalkan taliska oo lasoo dhigay baraha bulshadda.

Mas'uuliyiinta booqatay oo sheegay in Al-Shabaab iyo Daacish ay dhalinyaradda "kusoo qaldaan tahriib iyo jihaad" ayaa kuwa baaqiga ah ku waaniyey in ay kasoo baxaan hadii kale ay la kulmi doono cawaaqib-xumo adag.

Al-Shabaab iyo Daacish ayaa degaanada Puntland kaga dhuumaaleysta aagaga buuraleyda ah, halkaasoo ciidamadda ammaanka iyo diyaaradaha Mareykanka ay ku bartilmaameedsadaan si loosoo afjaro joogitaankooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM