Ciidamada Puntland oo iska caabiyey weerar Al-shabaab

Image

BOSASO, Feb 23,2015 ( GO)- Wararka warsidaha Garowe Online ka helayo baraha difaaca Galgala ayaa sheegaya in galabta kooxda Al-shabaab weerar gaadmo ah kusoo qaadeen fariisimaha ciidamada amaanka Puntland ku leeyihiin buuraleyda Golis.

Sarkaal ka tirsan ciidamada amniga Puntland oo diidey magaciisa in aan shaacino ayaa yiri "  kooxda Al-shabaab waxey labo jiho kasoo weerareen fariisamaha difaaca aan ku leenahay degaanka buurta Galgala balse dib baan u celinay waxaana dhaawac kasoo gaarey hal Askari dagaalkaas oo muddo kooban socdey."

Weerarkaan ayaa imaanaya kadib markii shaley Feb 23,2015 wadada u dhexeysa buurta Galgala iyo laamiga isku xira magaalada Bosaso iyo gobolada Puntland qaraxyo koxda Al-shabaab u galiyeen gadiidka ciidamada amniga halkaas marayey kuwasoo dhaawac fudud kasoo gaarey hal Askari.

Dhaqdhaqaaqyadaan ciidan ayaa imaanaya asbuuc kadib (Feb 13,2015) markii cidamada amniga Puntland weerar ku qaadeen degaanka Madashoon oo 22km u jira buurta Galgala halkaasoo ay  ku dileen shan ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab.

Dhinaca kale weerarrada kooxda Al-shabaab ayaa ku soo beegmaya xilli muran siyaasdeed u dhexeeyo qaar ka tirsan sarakiisha amniga Puntland iyo Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa warar kasoo baxay xafiiskiisa sheegayaan inuu xilka ka qaadey agaasimaha hay'ada PIA iyo taliye ku-xigeenka ciidamada Booliska Puntland Gen. Muxayadiin Axmad Aw-muuse.

Xil ka qaadistan ayaa kusoo beegsantey xilli sarakisha xilka la qaade ku howlanayeen la dagaalanka Al-shabaab oo dagaal kula jirta ciidamada amniga  islamarkaana la tacaalayeen ilaalinta xasilloonida magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Ururka Al-shabaab ayaa magaalada Bosaso asbuucyadii lasoo dhaafey ka fuliyey weeraro ay la beegsanayeen ciidamada amniga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM