Ciidamada Puntland oo ka cabanaya mushahar la'aan

Image

GAROWE, Puntland- Wararka laga heleyo ilo ku dhow saraakisha amniga ayaa sheegaya in ciidamada Puntland muddo Bilo ah aysan qaadan mushaharkii bilaha ahaa iyo adeegyada kale.

Ciidamada mushahar la'aanta lasoo gudbionaatey ayaa sidoo kale ka cabanaya gadiidka iyo agabka kale ay ku howlgalaan oo muddo farabadan aan dayactir loogu sameyn.

Xukuumada Madaxweyne Gaas ayaa sanadkii 2016 aad uga gaabisay sidoo kale daryeelka ciidamada iyadoo ay jiraan Askaro ku dhaawacmey dagaaladii ka dhacey Puntland oo aan helin daaweyn kuwasoo ehelkoodoo markii dambe u qaadeen wadamada dibada si loogu helo daryeel caafimaad.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya magaalada Galkacayo ayaa sheegaya in maalmihii lasoo dhaafey ciidamo gadoodey qabsadeen xarunta bangiga kuwasoo markii dambe laga kiciyey iyadoo sarakiisha dowlada kula gorgortameen in muddo bil ah mushaharkeed la siin doono.

Madaxweynaha Puntland oo booqasho ku tagey degmada Qandala maanta ayaa sida warsidaha GO ogaadey iska hormariyey bil mushaharkeed kadib markii ciidamada howgalka kaga sifeeyey kooxda taageerta Daacish aysan billo qaadan lacagahodii bilaha ahaa.

Magalada Qandala ayaa waxaa ku sugan ciidamo dhowaan la qarameeyey oo hoos imaan jirey Gudoomiyihii hore ee gobolka Barri iyo ciidamo ka tirsan dowlada Puntland.

Xukuumada Madaxweyne Gaas ayaa bilihii ugu dambeeyey waxaa lasoo guboonaadey dhaqaale xumo ay sababtey abaaro baahsan, dagaalo ka dhacey magaalada Galkacayo, kharashka Madaxweynaha oo siyaasdey kadib markii sanadkii lasoo dhaafey uu safaro uga maqnaa Puntland muddo 166 casho ah.

GAROWEONLINE  

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM