Ciidamada Puntland oo ku dhowaadey Qandala, Gudoomiye Dhedo oo hogaaminaya

Image

GAROWE, Puntland- Ciidamada dowlada Puntland oo maalmihii lasoo dhaaftey ku wajahnaa Qandala ayaa wararka ka imanayaa degaankaas waxay sheegayaan in ay u jiraan degmadaas saaka 30km.

Wararka warsidaha GO ayaa sheegaya in ciidamada ku sugan yihiin tuulada la yiraahdo karin iyada oo ilaa iminka aysan la kulmin wax iska caabin ah.

" Ma jirto wax iska caabin ah oo aan ilaa iminka la kulaney halkaas waxaana ciidanka muujinayaan taxadar iyagoo iska ilaalinaya in qaraxyo kooxda tageersan Daacish halkaas dhigtey" sidaas waxaa yiri sarkaal la socda ciidankaan oo diidey in aan magaciisa xusno.

Kooxda sheegtey iney taageersan tahay ururka Daacish oo gacanta muddo gacanta ku haysey magalada Qandala ayaa wararka xusayaan iney jidgooyo badan dhigeen jidka loo maro degmadaas.

Dhinaca wararka aan ka heleyno saraakiisha amniga magalada Bosaaso ayaa sidoo kale xusaya in habeenkii xalay halka la yiraahdo Buruc iyo Bacaad ee ku dhow xarunta ganacsiga Puntland lagu qabtey Lix nin oo la sheegey iney kasoo baxsadeen kooxdaas dhowaan qabsatey degmada Qandala.

Howlgalka ciidamada Puntland ee ka socda magalada Qandala  ayaa waxaa hogaaminaya gudoomiyaha gobolka Barri Yusuf Maxamad Waceyd Dhedo.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM