Ciidamada Puntland oo loogu yeeray in ay Siyaasada ka dhawrsadaan.

Image

GAROWE, Soomaaliya - Dallada Mucaaradka oo Shir Garowe ku yeeshay ayaa ka digay waxa ay ugu yeereen Colaad uu hurinayo madaxweynaha wakhtigiisa Dastuuriga uu sii dhamaanayo.

War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ugu yeereen Ciidamada Puntland in aysan ku milmin Siyaasada isla markaana sidii lagu yaqaanay ay dhex-dhexaad ahaadaan.

"Madaxweynaha Wakhtigiisu sii dhamaanayo waxa uu Colaado ka riday Boosaaso, Galkacyo iyo Garowe isaga oo ku faanay kuna tilmaamay kuwa uu Dowladnimada ku xoojinayay" ayaa lagu yiri War-Murtiyeedka Dallada.

Shacabka Puntland ayaa ku tilmaamay Khudbadii shalay ee Madaxweynaha mid xambaarsanayd Colaad, kicin iyo iska horkeenka dadka reer Puntland.

Cabdinuur Gees oo ah Cilmi baare iyo macalin jaamacadaha gudaha Puntland isla markaana kamid ah Ardayda Puntland ee deeqda waxbarasho shahaadada heerka koowaad kaga qaatay dalka Itoobiya ayaa ku sifeeyay hadalka Deni" Hadalkii goodigga ahaa ee madaxweynuhu shalay jeediyay, waa mid argagax ku abuuraya dadkii rajada ka qabay Xasiloonida iyo Dimuqraadiyada Puntland".

Horey Maxamuud Xayir Ibraahim wasiir dowlihii hore ee Maaliyada dowlada federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweyne Deni uu aqoon dheer u leeyahay isla markaana uusan waligii wareejin xil loo dhiibay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM