Ciidamada Puntland oo qabtay ajaaniib ka tirsanaa ISIL-Somalia

Image
Xubnahan waxaa ku jira dagaalameyaal kasoo jeeda Itoobiya, Sudaan, Marooko, iyo Yemen.

GAROWE, Puntland - Laamaha Amniga Puntland ayaa gacanta ku dhigay in ka badan 20 xubnood oo ajaanib ah Daacish ah, sidda ay muujinayaan warbixino laga helay illo dhanka mukhaabaraadka.

Xubnahan ayaa, sidda ku cad warbixinta ay xaqiijiyeen saraakiil qeyb ka ahaa fulinta, waxaa lagu qabtay hawlgalladii muddooyinkii u dambeeyay ka socday buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. 

Sidda laga soo xigtay macluumaadka illaa haatan la hayo, ajaaniibta ayaa kasoo jeeda Itoobiya, Sudaan, Marooko, Yemen iyo kuwa u dhashay dalal kale kuwaas oo dhammaantood gacanta lagu hayo.

Muddooyiinkii ugu dambeeyay waxaa sii kordhayay ajaanibta ka tirsan Daacish ee lagu qabanayo hawlgallada ka socda gobolka Bari kuwaasoo ay fulinayaan ciidamadda sida gaarka u tababaran.

Al-Shabaab iyo Daacish ayaa siyaabo kala duwan waxa ay uga howlgalaan degaanada buuraleyda ah ee gobolka Bari halkaas oo ay ka fuliyaan weerarada kala duwan oo ay ku beegsadaan ciidanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM