Ciidamada Puntland oo Qarax lagula eegtay duleedka Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland - Hal Askari oo katirsanaa ciidamada Puntland ayaa ku dhintay, saddex kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaarey Qarax miino oo ka dhacay gobolka Bari, shalay gelinkii dambe.

Qaraxa oo ahaa miino wadada qarkeeda lagu aasay lala eegtay ciidamadda xilli howlgal roondo ah ku marayeen Toga Bali-khadar oo cirifka ku haya Buuralayda Galgala, halkaasi oo Al Shabaab ku xoog badan tahay.

Wararka ayaa sheegaya in Meydka Askari iyo dhaawacyada la geeyay Isbitaalka magaalada Boosaaso.

Dhinaca kale, gaari safar ah oo ka tagay Boosaaso, kuna socday dhulka ka baaxsan laamiga Gobolka Bari ayaa koox hubaysani weerar ku qaaday salaaddi maqrib ka dib, xili uu marayey dalcadaha meerka oo Boosaaso u jirta 55-KM.

Khasaaro ayaa ka dhashay weerkaas dadka shacabka ah loo gaystay sida wararku sheegayaan, inkastoo aan tirakoob dhab ah laga hayn, waxaase dadka deegaanku ay VOA u xaqiijiyeen in dadka qaar kamid ah oo baxsad ah ay arkeen.

Kooxaha argagaxisada ayaa kusoo xoogeystay gobolka Bari mudadii shanta sano ee uu Madaxweynihii hore Cabdiweli Gaas uu xafiiska joogey, kaasoo maanta xilka ku wareejiyay Madaxweynaha cusub, Saciid Deni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM