Ciidamadda amniga oo fashiliyey qaraxyo lagu aasey Boosaaso

Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Hay'addaha ammaanka dowladda Puntland ayaa fashiliyey qaraxyo la damacsanaa in laga fuliyo qaybo kamid ah magaaladda Boosaaso, xarunta gobolka Bari.

Ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee Puntland ayaa howlgal aan khasaaro dhalin kusoo saarey Miinooyinka.

Qaraxyadda ayaa lagu waramayaa in laga soo kala saarey nawaaxiga xarunta shirkadda isgaarsiinta Golis iyo huteelka Jubba.

Saraakiisha oo sheegay in shaqsiyaad loosoo qabtay qaraxyaddan ayaa xusay in ay u soo bandhigayaan saxaafadda.

"Cadowga Puntland iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa barahaas ku aasey dhagartaas," ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha.

Maalmihii lasoo dhaafay xarunta ganacsiga Puntland waxaa ka socday howlgalo lagu xaqiijinayo nabad-gelyadda.

Tan iyo markii la doortay madaxweyne Deni, amniga Boosaaso ayaa kasoo hagaagayey sidii hore, waxaana sababta lagu sheegay in la siiyey ahmiyadda koowaad sidii loo sugi lahaa.

Boosaaso ayaa lagu wadaa in 2020 ay martigeliso Carwo Ganacsi oo lagu soo bandhigi doono fursadaha maalgelinta u baahan ee gudaha, waxayna daba socotaa Shirkii Maalgashiga Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM