Ciidamadda badda Puntland oo heegan sarre la geliyay

Image
Ciidanka badda Hindiya ayaa saacado kooban gudaheeda kaga dalbaday inay marbaka Mv Abdalleh kaga dagaan Kooxda Soomalida ah ee haysta markabka.

GAROWE, Puntland - Wararka aan ka helayno deegaanka jiifle iyo dhinowda ayaa sheegaya in ciidanka ladagaalanka burcad badeeda Puntland heegan buuxa lagaliyey xili ay socdan hawlgalo Dhanka badda ah ee la xiriira Markabka Mv Abdallah.

Sawiro laga qaaday ciidanka kusugan aaga lagu haysto markabka ayaa muujinaya diyaar garow adag oo lagaliyey ciidanka Badda iyo Booliska Puntland.

Ciidanka badda Hindiya ayaa saacado kooban gudaheeda kaga dalbaday inay marbaka Mv Abdalleh kaga dagaan Kooxda Soomalida ah ee haysta markabka.

Heesta kale, Wararka dheeraad ah oo kasoo baxaya ciidamada hawlgalka Badda iyo la dagaallanka Burcad Badeeda ee dalalka Shisheeye ayaa sheegaya jiritaanka hawlgal qorsheysan oo ay la damacsan yihiin saacadaha soo socda inay ku fulinayaan Markab Afduub loo haysto oo magaciisa la yiraahdo Mv Abdallah.

Hawlgalkaan oo ay riixayaan ciidamada Badda ee dalka Hindiya waxaa wararku sheegayaan fulintiisa in loo qorsheeyay labo Markab oo ka mid ah kuwii horay u fuliyey howlgalkii hore ee lagu furtay marabkiibtii hore.

Kooxda Soomaalida oo haysta markabka Mv Abdallah ayaa wararka soo baxaya sheegayaan in loo diray digniin lagu wargeliyay saacado kooban gudaheeda inay uga degaan Marbaka Mv Abdalleh.
Diyaarado ayaa dul heehaabaya caawa aaga lagu haysta Markabka MV Abdlla.

Dhanka kale, ciidamadda badda Puntland ee PMPFta iyo ciidanka booliska dowlada Puntland ayaa wararku sheegayaan inay ka go'doomiyeen kooxdaan Burcad badeeda dhanka bariga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM