Ciidamadda dowladda Puntland oo baarey doonyo laga leeyahay Yemen

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Taliska ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee dowladda Puntland ayaa Sabtida maanta ah wuxuu shaaca ka dhigay in ay howlgal ka fuliyeen xeebaha degaano hoostaga gobolka Sanaag.

War qoraal ah oo lasoo dhigay barta Facebook ee ciidamadda ayaa lagu shaaciyey in howlgalkan uu ka dambeeyay markii ay heleen xog ku saabsan in doonyo ay damacsan yihiin in ay ku gudbiyaan hub.

Sidda laga soo xigtay bayaanka kooban, intii howlgalku socday ciidamadda ayaa gacanta ku dhigay isla markaana baaray doonyo aysan tiradooda daaha ka rogin balse laga leeyahay gudaha waddanka Yemen.

Hase ahaatee, ma aysan kala caddeyn maxsuulka baaritaanka iyo hadii mudadii ay howlgalkaas ku guda jireen ay soo qabteen hub sharci darro ah.

"Ciidanka PSF waxay hawlgal dhanka badda ah ka fuliyeen xeebaha Laasqoray, Ceelaayo iyo Cadcado si ay uga hortagaan kooxo doonayay in ay hub si sharci darro ah uga soo dejiyaan xeebahaas oo ay ciidanka PSF heleen xogtooda; Waxayna ciidanka PSF qabteen oo ay baaris ku sameeyeen intii hawlgalku socday doonyo iyo saxiimado dhowr ah oo laga leeyahay waddanka Yemen," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay taliska PSF-ta.

Yemen oo ay dal ay colaadu ka aloolsan yihiin sanadihii lasoo dhaafay ayaa ah marinka ay kooxaha argagixisada Soomaaliya loosoo mariyo hubka, sidda lagu sheegay warbixin kasoo baxdey Qaramadda Midoobay.

Mareykanka ayaa ku eedeeyay dowladda Iiraan in ay tahay taakuleeyaha ugu badan ee hubka siiya maleeyshiyaadka Al-Shabaab iyo Daacish, balse xukuumadda Tehran wali si rasmi ah ugama jawaabin sheegashadaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM