Ciidamadda dowladda Puntland oo baarey doonyo laga leeyahay Yemen

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Taliska ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee dowladda Puntland ayaa Sabtida maanta ah wuxuu shaaca ka dhigay in ay howlgal ka fuliyeen xeebaha degaano hoostaga gobolka Sanaag.

War qoraal ah oo lasoo dhigay barta Facebook ee ciidamadda ayaa lagu shaaciyey in howlgalkan uu ka dambeeyay markii ay heleen xog ku saabsan in doonyo ay damacsan yihiin in ay ku gudbiyaan hub.

Sidda laga soo xigtay bayaanka kooban, intii howlgalku socday ciidamadda ayaa gacanta ku dhigay isla markaana baaray doonyo aysan tiradooda daaha ka rogin balse laga leeyahay gudaha waddanka Yemen.

Hase ahaatee, ma aysan kala caddeyn maxsuulka baaritaanka iyo hadii mudadii ay howlgalkaas ku guda jireen ay soo qabteen hub sharci darro ah.

"Ciidanka PSF waxay hawlgal dhanka badda ah ka fuliyeen xeebaha Laasqoray, Ceelaayo iyo Cadcado si ay uga hortagaan kooxo doonayay in ay hub si sharci darro ah uga soo dejiyaan xeebahaas oo ay ciidanka PSF heleen xogtooda; Waxayna ciidanka PSF qabteen oo ay baaris ku sameeyeen intii hawlgalku socday doonyo iyo saxiimado dhowr ah oo laga leeyahay waddanka Yemen," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay taliska PSF-ta.

Yemen oo ay dal ay colaadu ka aloolsan yihiin sanadihii lasoo dhaafay ayaa ah marinka ay kooxaha argagixisada Soomaaliya loosoo mariyo hubka, sidda lagu sheegay warbixin kasoo baxdey Qaramadda Midoobay.

Mareykanka ayaa ku eedeeyay dowladda Iiraan in ay tahay taakuleeyaha ugu badan ee hubka siiya maleeyshiyaadka Al-Shabaab iyo Daacish, balse xukuumadda Tehran wali si rasmi ah ugama jawaabin sheegashadaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM