Ciidamadii gadoodsanaa oo isaga tagay Kantaroolka Garowe

Image

GAROWE, Puntland- Ciidamo Kantaroolka Koonfur Galbeed Garowe ku sugnaa tan iyo todobaadkii hore dhammaadkiisa ayaa maanta isaga baxay kadib wada-hadal iyo kulamo ay la qaateen wax-garadka caasumadda Puntland ku sugan.

Ciidamadan oo ka cabanaya mushahar iyo xuquuq kaga maqan dowladda ayaa ugu dambayn ogolaaday inay ku laabtaan fariisinkooda kadib markii loo soo jeediyay codsiyo kaga yimid duubabka dhaqanka iyo shacabka qaybihiisa kala duwan.

Wax-garadka gobolka Nugaal ayaa muddooyinkii dambe waday sidii loo qancin lahaa ciidamada gadoodsan iyagoo la qaadanayay kulamo kala duwan saraakiishooda iyo ciidanka laftigooda.

Waxay gacanta ku hayeen Kastam wasaaradda maaliyadda Puntland ku leedahay Kantaroolkaas.

Ma jirto ilaa hadda war rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda oo muddo ka aamusnayd arrintan.

Wasiirrada kasoo jeeda gobolka Nugal iyo mas’uuliyiin kale ayaa gaaray goobta, kuwaasoo xaqiijiyay in ciidamadu ku laabteen saldhigoodii hore.

Shaqada Barta-kantarool ayaa hadda kusoo laabtay si caadi ah.

Cabashada ciidamada ayaa taagnaa tan iyo markii uu talada Puntland qabtay Cabdiwali Cali Gaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM