Ciidamo gadoodey oo jidgooyo ku sameeyey duleedka Bosaso

Image

BOSASO, Sept 10,2015 (GO)- Ciidamo Birmad lagu magacdarey oo dhawaan lagu soo tababrey magaalada Qardho ayaa waxay jidgooyo ku sameeyeen bar kontrool oo ku dhow halka laga galo magaalada xarunta ah ee Bosaso.

Ciidmaadaan oo dhidibada loo aasey tan iyo intii uu xilka la wareegey madaxweyne Gaas ayaa wararka warsidaha Garowe Online soo gaarayaa sheegayaan iney ka cabanayaan mushahr la'aan lasoo gudboonaatey bilihii la soo dhaafey.

Taliyaha ciidamadaan oo kamid ah ilaalada madaxweynaha Puntland kaasoo howlo shaqo u jooga Galkacayo ayaa warsidaha Garowe Online u suurtaglin inuu la hadlo madaama taleefankiisu xiran yahay.

Wararka kale oo ka imaanaya barta Kontroolka ay ciidamadaan dhigteen afaafka hore ee laga galo magaalada Bosaso ayaa sheegaya iney xabadeeyeen gudoomiyaha degmada Bosaso oo goobta gaarey. Rasaasta lala beegsadey Gudoomiyaha KMG ah ee degmada Bosaso ayaa sheegaya inuu ku dhaawacmey askari ka tirsan ilaaladiisa.

Dhinaca kale waxaa ka maqan magaalada Bosaso gudoomiyaha gobolka Bari iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada kuwasoo safar shaqo ugu maqan degaanada kale ee gobolka Barri.

Gadoodkaan ayaa ku soo beegmaya xilli asbuucyadii lasoo dhaafey xukuumada madaxweyne Gaas qaar ka tirsan ciidamada Puntland siisey mushaharaad lagu bixiyey lacago shilin Somali ah oo been abuur ah kuwasoo lagu daabacey magaalada Bosaso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM