Ciidamo gadoodsan oo la wareegay Garoonka diyaaradaha Garoowe

Image

GAROOWE, Puntland - Ciidamo gadoodsan ayaa maanta la wareegay Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe, xilli uu halkaasi ka degay wafdi uu hogaaminyo Ergyaga QM ee Soomaaliya, Nichalas Haysom.

Sarkaal katirsan ciidamada gadoodsan, oo magaciisa ka gaabsadey ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in mudo bilooyin ah aysan helin wax mushaar ah, sidaasi darteedna ay u qaadeen tallaabdan.

Ciidamadan oo ka yimid jiida hore ee dagaalka Tukaraq, oo tan iyo bishii January ee 2018 isku hor-fadhiyeen ciidanka Somaliland ayaa waxaa hogaaminaya taliye magaciisa lagu soo gaabiyay Sumeysane.

Garoonka diyaaradah Garoowe ayaa xilliga ciidamada gadoodka ah la wareegayeen waxaa fadhiyay dhowr diyaaradood, oo ay kamid tahay mida uu ku yimid Wakiilka Qaramada Midoobey, Nicholas Haysom.

Bishii lasoo dhaafay, ciidamo sidan oo kale mushaar la'aan ka gadoodsan ayaa la wareegay wadooyinka gala Aqalka Madaxtooyadda Puntland iyo Wasaaradaha dowladaha, kuwaasoo markii dambe lagu qanciyay in la siinayo mushaarka ka maqan mudo 7 bilood ah.

Gadoodka ciidamada difaaca Puntland ayaa ahaa sanadihii lasoo dhaafey mid joogto ah, oo ka kala dhacay magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo, Boosaaso iyo kuwa kale kadib markii xukuumadda Gaas ay ku fashilintay inay bixiso mushaaraadkooda.

Bixin la'aanta mushaarka iyo xuquuqda ciidamada ayaa loo aaneynayaa amni xumida Puntland iyo korarka weerarada Kooxaha argagaxida ay ka fulinayaan degaanada maamulkan, gaar ahaan gobolka Bari.

Ciidamadan sida joogtada ah u sameynaya gadoodka ee la wareegaya xaruumaha muhiimka ah ee dowladda ayaa la filayaa in ay sugaan amaanka Puntland, oo doorashada Madaxweynaha ay ka dhacayso January 2019.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM