Ciidamo gadoodsan oo la wareegay Garoonka diyaaradaha Garoowe

Image

GAROOWE, Puntland - Ciidamo gadoodsan ayaa maanta la wareegay Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe, xilli uu halkaasi ka degay wafdi uu hogaaminyo Ergyaga QM ee Soomaaliya, Nichalas Haysom.

Sarkaal katirsan ciidamada gadoodsan, oo magaciisa ka gaabsadey ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in mudo bilooyin ah aysan helin wax mushaar ah, sidaasi darteedna ay u qaadeen tallaabdan.

Ciidamadan oo ka yimid jiida hore ee dagaalka Tukaraq, oo tan iyo bishii January ee 2018 isku hor-fadhiyeen ciidanka Somaliland ayaa waxaa hogaaminaya taliye magaciisa lagu soo gaabiyay Sumeysane.

Garoonka diyaaradah Garoowe ayaa xilliga ciidamada gadoodka ah la wareegayeen waxaa fadhiyay dhowr diyaaradood, oo ay kamid tahay mida uu ku yimid Wakiilka Qaramada Midoobey, Nicholas Haysom.

Bishii lasoo dhaafay, ciidamo sidan oo kale mushaar la'aan ka gadoodsan ayaa la wareegay wadooyinka gala Aqalka Madaxtooyadda Puntland iyo Wasaaradaha dowladaha, kuwaasoo markii dambe lagu qanciyay in la siinayo mushaarka ka maqan mudo 7 bilood ah.

Gadoodka ciidamada difaaca Puntland ayaa ahaa sanadihii lasoo dhaafey mid joogto ah, oo ka kala dhacay magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo, Boosaaso iyo kuwa kale kadib markii xukuumadda Gaas ay ku fashilintay inay bixiso mushaaraadkooda.

Bixin la'aanta mushaarka iyo xuquuqda ciidamada ayaa loo aaneynayaa amni xumida Puntland iyo korarka weerarada Kooxaha argagaxida ay ka fulinayaan degaanada maamulkan, gaar ahaan gobolka Bari.

Ciidamadan sida joogtada ah u sameynaya gadoodka ee la wareegaya xaruumaha muhiimka ah ee dowladda ayaa la filayaa in ay sugaan amaanka Puntland, oo doorashada Madaxweynaha ay ka dhacayso January 2019.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM