Ciidamo gadoodsan oo la wareegy qeybo kamid ah Caasimadda Puntland

Image
Image

GAROOWE, Puntland - Ciidamo ka gadoodsan mushaar la'aan ayaa saaka oo Sabti ah xiray wadooyin muhiim ah, oo ku yaalla magaalada Garoowe, ee caasimadda Puntland, oo ay kamid yahay mid gasha Madaxtooyadda.

Ciidamada oo ka cabanaya mushaar la'aan mudo 7 bilood ah, ayaa hakad geliyay dhaq-dhaqaaqii dhowr xaruumo dowladeed, Wasaaradoo iyo Aqalka Madaxtooyadda, iyagoo celiyay gaadiidka iyo dadweynaha.

Taliyaha Ciidanka xasilinta gobolka Nugaal Muxyadiin Axmed Muuse iyo Saraakiil kale ayaa ku qanciyay Ciidanka inay furaan wadooyin, iyagoo u balan qaadey in sida ugu dhaqsiyaha badan loo siinayo mushaarkooda iyo xuquuqda kale ee ka maqan.

Gadoodka ciidanka Madaxtooyadda Puntland ee mushaar la'aanta ah mudada ku dhaw halka sano, ayaa kusoo aadaya iyadoo maanta la filayo inay Garoowe soo gaareen madax sare oo ka qeyb-galaya Shirka Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada.

Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa tan iyo markii uu Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey, Cabdiweli Gaas xafiiska yimid 2014, ku caan baxay inay sameeyaan gadoodka noocan ah, marka ay mushaarka waayaan, iyagoo la wareegga xarumaha dowladda.

Bishii September 2016, ciidamada PIA-da, oo hore loo oran jiray PSF oo ka gadoodsan mushaar la'aan ayaa qabsadey xarunta Bangiga Dhexe ee magaalada Garoowe.

Talaabada noocaan ah ayaa ku soo beegmeysa xilli Puntland lagu wado inay gasho doorashada guud, mida Baarlamaaniga iyo tan Madaxtinimada 2019.

Cabdiweli Gaas ayaa lagu eedeeyay musuq-maasuq, iyo inuu ku fashilmay amniga, iyadoo maamulkiisa bixin waayay mushaarka ciidamada kala duwan ee Puntland, taasoo keentay in kooxaha argagaxisada ay kusoo xogeystaan gobolka Bari, iyadoo weeraro ka fulinaya xarunta Ganacsiga ee Boosaaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM