​Ciidamo katirsan Puntland oo qarax loo dhigay

Image

BOSASO, Puntland- Wararka ka imaanaya deegaanka Buuralayda Galgala ayaa sheegaya in qarax loo dhigay ciidamo katirsan Millatariga Puntland oo marayay inta u dhaxaysa Galgala iyo degmada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Qaraxan oo ahaa miino dhulka lagu aaso ayaa waxaa wararku sheegayaan in waxyeello kasoo gaartay 12 askari kuwaasoo dhaawacood lagu dabiibayo xarunta ganacsiga Puntland ee Bosaso.

Galagala oo ah deegaan buuralay ah ayaa waxaa isku horfadhiya ciidamada kala duwan ee Puntland iyo mallayshiyaad katirsan Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Qaraxaan ku dhacey 2 kamid ah u dhinteen dhaawacyadii soo gaarey.

Ilaa hadda dhacadadan kama hadlin saraakiisha amniga Puntland iyo madaxda dowladda.

Dhacdadana ayaa lagusoo beegay xilli ciidamo kale oo Puntland kasocda kusii siqayaan degmada Qandala halkaas oo ay ku suganyihiin xubno xiriir la leh Daacish.

Waxaa aad u jira dhaqdhaqaayo ay sameynayaan kooxaha aragagixisada ah kuwasoo ka faa'ideysanaya habacsanaanta siyaasada xukuumada Puntland taasoo ku aadan sidii ururadaan uga fushan Danahooda dhulalka fogfog.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM