Ciidamo lagu xareeyay Carmo [Dhagayso]

Image

27 August, 2015 (GO)-Taliyaha Ciidamada Boliska Puntland Cabdirisaaq Afgaduud oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay inay wadan qorshe ay dib u habayn ku sameynayaan ciidanka Boliska.

Afguduud ayaa sheegey in Carmo ay ku soo xareeyeen ciidamo laga soo qaadey gobolada Puntland kuwaasi oo loo furey tababar ku saabsan shaqadooda.

"Intaan xilka hayo waxaa jira tababar, isku badal ayaa jiraya, marna uma dul qaadanayo intaan anigu xilkaan hayo habac ku yimaada ciidamada Police Puntland"Ayuu yir Afgaduud.

Mar uu ka hadlay xuquuqda ciidamada ayuu sheegey inay wadaan tirakoob lagu sameynayo tirada ciidamada Boliska, waxaana uu sheegey in madaxweynaha ka ballan qaadey mushahaarka ciidamada marka la soo dhammeystiro tirakoobka.

Shacabka Puntland ayuu afgaduud sheegey inay ugu dul qaataan khaladaadka ka dhaca ciidamada inta laga dhameystirayo nidaamka lagu saxayo oo laga gaarsiinayo marxalad ay ku ogaan karaan macnaha ay leeyihiin Shacabku.

Taliyaha Ciidamada Boliska ayaa intaasi ku darey inay ka codsanayaan ciidamada kale ee aan boliska ahayn inaysan magaalooyinka la dhexmarinTuutaha.

Dhawaan ayay ahayd markii Afgaduud loo soo magacaabey taliyaha ciidanka Boliska Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay in Daacish looga adkaadey Dagaalka Calmiskaad

Si kastaba ha ahaatee, ilo maxalli ah ayaa sheegay in dagaalyahannadu weli ku dhuumaalaynayaan deegaanka.

  • Puntland

    25-10-2025

  • 01:36PM

Soomaaliya: Hoggaamiyaha Daacish oo La La’yahay Iyadoo Kooxdiisa looga adkaadey Dagaalka Cal-Miskaad  

Madaxweyne Donald Trump ayaa sanadkii hore si maldahan u sheegay in Muumin laga yaabo in la dilay.

  • Puntland

    22-10-2025

  • 06:06PM