Ciidamo qabsaday xarunta Barlamanka Puntland ee Garowe

Image

GAROWE, Puntland-Ciidamo gaashaaman ayaa la wareegay xarunta ay Ku howlgalaan Barlamanka Puntland ee magaalad  Garowe daqiiqado kahor kuwaasoo wata baabuurta waaweyn ee miletariga.

Waxay xireen dhammaan waddooyinka soo gala xaruntaas iyo wadada halbowlaha ah iyagoo ku gooyay gawaari kadibna diiday in la isticmaalo.

Lama yaqaan halka ciidankan ka yimaadeen, balse warar uu helayo GO ayaa sheegaya inay kasoo ruqaansadeed duleedka caasumadda Garowe.

Waxaa la sheegay inay ka cabanayaan mushahar la'aan waqti dheer haysatay.

Xarunta, waxaa wararku xusayaaan inay Ku xanibanyihiin ilaa dhowr mudane oo katirsan Barlamanka Puntland.

Tallaabadan oo caado noqotay tan iyo markii Madaxweyne Gaas talada Puntland qaabtay ayaa kusoo aadaysa xilli ay soo baxayeen warar sheegaya in Madaxweynaha Puntland lagula taliyay inuu ka guuro Garowe inta waqti xileedkiisa ka dhiman.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay hay'adaha dowladda iyo saraakiisha ciidanka qabsatay xarunta Barlamanka Puntland.

Sannadkii hore ayay ahayd markii ciidamo gadoodsan qabsadeen xarumaha Bangiga iyo wasaaradda Maaliyadda kuwaasoo markii dambe xal laga gaaray kadib markii la siiyay mushaharkii ay lahaayeen qayb kamid ah.

Ciidamada Puntland oo Ku shaqeeya xaalad adag Ayaan helin xuquuqdii ay lahaayeen xilli sare u kacayo musuqa iyo amni xumada ka jirta Puntland.

Wixii kasoo kordha wararkeena Dambe Ayaan idiin kusoo gudbin doonaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM