Ciidamo u gadoodey mushahar la'aan oo Garowe soo gaarey

Image

July 9, 2015 (GO)- Xilli badi shaqaalaha Dowladda Puntland ka cabanayaan mushahar la'aan, ayaa waxaa shalay ilaa maanta magaalada Garowe soo gaarey ciidamo gadoodsan oo kasoo baxay fariisimihii ay horay ugu sugnaayeen.

Ciidamada ugu badan ayaa kasoo guurey fariisin ay ku lahaayeen duleedka Garowe ee dhanka magaalada Laascaanood xiga. Waxaa sidoo kale soo gadoodey qaar kamid ah ciidamadii ku sugnaa deegaanka Qarxis ee ay is hor fadhiyeen ciidanka Gen. Muxiyadiin.

Askarta ayaa dalbanaya in xuquuqdooda la siiyo, maadaama aysan muddo afar bilood  mushahar qaadan.

Mas'uuliyiin dowladda ka tisran oo isugu jira wasiirro iyo saraakiil ciidan ayaa ku hawlan sidii ciidamadaas loogu qancin lahaa inay dib ugu noqdaan goobihii ay soo banneeyeen.

Wararka hordhaca ah ee Garowe Online helayo ayaa sheegaya in dowladdu ballan qaadey inay bixin doonto kala bar xuquuqda ka maqan shaqaalaha, inta kalena dib laga siin doono.

Cabashada shaqaalaha dowladda ee la xiriirta mushaharaadka ayaa ahayd mid soo jiitamaysey laga soo bilaabo markii ay hoggaanka Puntland la wareegtey xukuumadda Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM