Ciidanka Puntland oo "dilay ajnabi ka tirsanaa Daacish"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamadda amniga Puntland ayaa Sabtida maanta ah waxay shaaca ka dhigeen in ay dileen ajanbi ka tirsanaa maleyshiyadda Daacishta Soomaaliya.

Khalid Jama Osama oo u dhashay Pakistan, ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku xuseen in ay ku khaarijiyeen howlgal ay ka sameeyeen buuraha Calmadow ee gobolka Bari.

Taliska oo qoraalkiisa uu nuqul kamid ah arkay warsidaha Garowe Online wuxuu intaas ku daray in ay burburiyeen goobo ay gabaad ka dhiganayeen dagaalameyaasha ururka ISIL.

Warka qoraalka ayaa intaas ku daray in howlgalkaas gaarka ah ay "kusoo afjareen" 20 dagaalame oo ka tirsanaa Daacish. Talisku ma uusan shaacin khasaaraha soo gaarey dhankooda.

"Ciidamadda gaarka ah ee Dowladda Puntland waxay howlgalkan fuliyeen ayaga oo ka duulaya xogta ay ka heleen madaxii amniyaata iyo qaraxyada Daacish ee gobolka Bari, Abshir Tooshle, iyo ku xigeenkiisa, Shaafici," ayaa la raaciyey qoraalka.

Bishii Aprl 4-teeda, sanadkan 2020, ciidanka amniga Puntland ayaa isla gobolka Bari gaar ahaan nawaaxiga degmada Bilidhidin ku dilay 24 xubnood oo ka tirsanaa maleyshiyada Daacish.

"Waxaa kale oo gabi ahaanba ay ciidamada PSF burburiyeen  xaruntii ay Daacish halkaas ku lahaayeen oo ay ku kaydsanaayeen sahay iyo saanad badan oo ay Daacish lahayd; isla mar ahaantaana waxay ciidamadu gubeen  2 gaari  oo ay ku xireen  argagaxisada Daacish qaraxyo diyaarsan, oo ay doonayeen in ay soo geliyaan magaalada Bosaso si ay ugu waxyeelaan shacabka aan waxba galabsan," ayaa lagu yiri qoraal waqtigaas kasoo baxay taliska PSF-ta.

Daacishta Soomaaliya oo ku dhuumaaleysata degaanada buuraleyda ee Puntland ayaa waxaa hogaamiya Cabdiqaadir Muumin kaasoo horey uga mid ahaa horjoogeyaasha ururka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM