Ciidmada AMISOM oo aqbashey mas'uuliyada dilkii Marka

Image
Image

21 August, 2015 (GO)-Saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa qiratay in ciidamadeeda ka danbeeyeen dilka 7 qof oo rayid ah 31st July 2015 lagu dilay xaflad aroos oo ka socotay magaalada marka ee gobolka Shabeelaha hoose.

Maman Sidokou wakiilka midowga Africa ee Somalia ayaa sheegay in ciidamada ka danbeeyeen dhimashada dadkaas oo lagu dilay xaflad aroos oo ka socotay Marka.

War-saxaafadeed oo lagu daabacey mareegta ay ku leeyihiin ciidamada AMISOM ayaa ku sheegay in uu raali-gelin ka bixinayaan falkaas.

“Waxaa dhacay dil, ciidamaadeena ayaana ku lug lahaa, waxaa loo qabtay saddex askari, waxaana ku socda baaritaan” ayuu yiri Maman Sidokou.

Amisom ayaa markii uu shilkaasi dhacay waxay markiiba beenisay in ciidankeenu dilay dad rayid ah.

Hay’adda Human Rights Watch ayaa toddobaadkii hore ugu baaqday AMISOM inay si dhab u baarto dilkaas.

Halkan ka akhriso warsaxafdeedkaan oo ku qoran afka Ingriiska 

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM