​Agaasimihii hore ee Hay'ada PIA oo Madaxweyne Gaas ku eedeeyay inuu sii daayay Xubno katirsan Al Shabaab

Image

GAROWE, Puntland- Taliyihii hore hay'adda Sirdoonka Puntland ee loo yaqaano PIA-da ayaa ka hadlay arrimo ku aadan maxaabiis katirsan Al Shabaab oo xukuumadda uu hogaamiyo Cabdiwali Gaas kasii daysay xabsiyada Puntland kaasoo uu kamid yahay horjoogihii lagu qabtay Galkacyo Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geel).

Kornel Cabdi Xasan Xuseen oo hay'addaas madax kasoo noqday ayaa sheegay in xukuumadda Puntland xabsiyada kasii daysay ku dhawaan 60 maxbuus oo uu kamid yahay Ina Calool Geel kaasoo ku xukunaa dil toogasho ah.

Isagoo waraysin siinayay VOA Cabdi Yare ayaa tilmaamay in tallaabadaas ay ku dhaqaaqeen mas'uuliyiinta ugu saraysa dowladda gaar ahaan Madaxweyne Gaas.

"Arrinta sii daynta Cabdirasaq la sii daayay kaligiis ma uusan ahayn xubno katirsan ururka Al Shabaab oo lawada ogyahay ayaa kamid ah waxa la sii dayay isaga iyo rag ka muhiimsanaa oo 60-dameeyo ku dhow ayaa ooda laga qaaday." Ayuu yiri Cabdi Yare.

Wuxuu intaaas ku daray in sii daynta Ina Calool Geel aysan ku saabsanayn madax furasho dad kale balse ay jiraan dad badan oo la iska sii dayay isagoo sababta loo fasaxay codsaday in la weydiiyo madaxda Puntland iyo hay'adaha amniga.

Col Cabdi Yare ayaa soo dhaweeyay qabashada horjooge Tahliil iyo howlgalka uu Maraykanku kawado dalka Somalia, wuxuuna tilmaamay in qorshaha ninkan lagu qabtay ay iska kaashadeen ciidamada Puntland iyo kuwo kasocday dhinaca Galmudug.

Ina Calool Geel ayaa xabsiga laga sii dayay sannad kadib markii uu talada Puntland qabtay Madaxweyne Gaas, waxaana la sheegay inay jiraan xubno kale oo dowladdu fasaxday.

Mallayshiyaadka lasii daayay ayaa qaybtood lagusoo qabtay iyagoo faraha kula jira Qaraxyo iyo weeraro taasoo ay aad uga xumaadeen shacabka Puntland, waxaana la rumaysanyahay in Madaxweyne Gaas ku gacan sayraysa baaqyo uga imaanayay shacabka oo ku aadanaa inaan lasii dayn xubnahaas katirsan Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM