Taliyuhii hore ee PIA “Waxaan qabaa in falalkii Burcadda ay dib usoo noqdeen”

Image

HOBYO, Somalia- Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa doon Kalluumaysi oo shalay lagu afduubtay xeebaha gobolka Mudug taasoo siday Shixnad ay iska leeyihiin Ganacsato Somaliyeed.

Doonta ayaa lagusoo waramayaa in imminka lagu hayo xeebaha degmada Hobyo ee isla gobolkaas.

Guddoomiyaha degmada Hobyo Cabdullaahi Axmed Cali Faat ayaa sheegay inay qaadi doonaan tallaabo kasta oo lagu samata bixinayo doonta iyo shaqaalihii saarnaa oo laga qafaashay bad-weynta Hindia.

“Doonta hadda waxaa lasoo gaarsiiyay xeebaha ku teedsan Hobyo iyo Xarardheere, waa ficil aan wanaagsaneyn oo la doonayo in sumcadda deegaanka lagu dhaawaco, bulshada deegaanku wey isabaabuleen mana aqbalidoonaan in burcadbadeed ay matigaliyaan” Ayuu yiri  Cabdullaahi oo la hadlay wakaaladda wararka Somaliyeed ee SONNA.

Doontan ayaa ka mid ah laba doon oo labadii maalmood ee ugu dambeysay laga afduubtay xeebaha Somalia.

Dhinaca kale, Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Puntland ee loo yaqaan PIA Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa VOA u sheegay in falalka burcad badeedu ay u muuqdaan inay soo laabanayaan marka la eego weeraradii ugu dambeeyey.

Col. Cabdi Yare oo ku sugan Puntland ayaa sheegay inay jiraan illaa sideed kooxood oo burcadbadeed ah oo qaarkood ay badda ku jiraan qaarkoodna ay weeraro cusub qorshaynayaan, wuxuuna sheegay inay taasi astaan u tahay halista soo noqoshada burcadbadeeda.

Col. Cabdi Yare ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan dhinacyo ku sugan Yemen oo kooxaha burcad badeeda ka caawinaya dhinaca sahayda iyo agabka.

Arrintan ayaa timid kadib markii ay maalmahan dhaceen kiisas ku saabsan doonyo iyo maraakiib la af-duubtay kuwaasoo yimid kadib markii ay kor u kacday Jariifka Sharci darrada ah ee lagu hayo xeebaha Somalia.

Majirto ilaa hadda wax tallaabo ah oo ay qaaday dowladda Somalia iyo maamullada dalka ka jira.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM