Puntland oo amartay in la xiro Masaajida iyo dugsiyada Qur'aanka

Image

GAROWE, Puntland – Xukuumadda Puntland ayaa maanta oo Isniin ah waxay amartay in la xiro masaajida si looga hortagga faafitaanka fayruska aduunyadda gumaadka ku haya ee Corona.

Cawil Sheekh Xaamud, wasiirka cadaaladda Puntland oo warbaahinta la hadlay, ayaa daboolka ka qaadey in talaabadaas ay la xiriirto amaradii dhowaan kasoo baxay Golaha Wasiirada.

"Ma ahan in dadka cibaada loo diidayo waa in aynu ka taxadarno cudurkaas gumaadka ku haya aduunyadda, waxaana rajeynaynaa in culimada ay nala qaataan," ayuu raaciyey.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wasiir Cawil ayaa sidoo kale faray in "sidda ugu dhaqsiyaha badan" loo xiro dugsiyadda Qur'aanka iyo Madarasooyinka.

Dadweynaha ayuu cod dheer ku booriyey in ay joojiyaan isu-imaatinka isla markaana ay hogaan-samaan go'aanadaas iyo talooyinka caafimaad.

Puntland ayaa mar sii horeysay joojisay doonyaha kalluumeysiga ee kaga imaan jiray dibadda, waxaana lagu amray doonyaha haatan jooga in ay ku baxaan muddo 24-saac gudaheeda ah.

Marka ay timaado ka hortagga COVID—19, dunida ayaa ka siman hakinta duulimaadyadda caalamka, xiritaanka Masaajida, joojinta kulamada dadweynaha iyo wacyi-gelinta nadaafadda.

Dhamaan talaabooyinkaas ayaa lagu sheegay kuwa laga maarmaanka u ah la dagaalanka caabuqaas illaa iyo haatan aduunyadda ku galaaftay in ka badan 12-kun oo ruux kuna dhacay 150-kun.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM