Covid-19: Puntland oo ka tacsiyeysay geerida wasiirkii HirShabelle

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid wasiiru dowladihii cadaaladda maamulka HirShabelle, Khaliif Muumin Toloxow, oo u dhintay fayruska Corona.

Marxuumka, oo qorshuhu yahay in lagu aaso Muqdisho, ayaa kamid ah sagaal ruux oo dhowaan ay Wasaaradda Caafimaadka federaalka xaqiijisay in uu soo ritay fayruska Corona.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey geerida Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Cadaaladda Hir-shabeelle Marxuum Khaliif Muumin Toloxow oo goordhoweyto u geeriyoodey Caabuqa Covid-19," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda dowladda Puntland.

Bayaanka ayaa intaas ku daray: "Madaxweyne Deni waxa uu Hir-shabeelle Dowlad iyo Shacabba uga tacsiyaynayaa geerida xanuunka badan ee ku timi Wasiir Khaliif Muumin, waxa uu si gaar ah ugu tacsiyaynayaa eheladii, qaraabadii, iyo qoysaskii uu ka baxay Marxuumku, wuxuuna uu Alle uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, su'aasha qabriga u sakhiro, Jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna Rabbi kasiiyo dhamman ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Hir-shabeelle, ehelkiisa iyo asxaabtiisaba".

"Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland ku booriyey inay feejignaan dheeriya ka yeeshaan caabuqa halista ah ee aan lahay daawo iyo talaaltoonna, isagoona si adag Madaxweynuhu shacabka Puntland ugu adkeeyey in la qaato amaawiirta Dowladda ee ka dhanka ah caabuqa Covid-19, si looga hortago xanuunkaasi halista ah,' ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka.

Tooxow ayaa noqdey qofkii labaad oo Soomaaliya uu ku dilay cudurka Covid-19 oo kiisaskiisa ay gaareen 21 qof oo ay ku jiraan afar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in ay jiraan shaqsiyaad uu ku dhacay caabuqa isla markaana xaaladooda ay aad u liidato una baahan yihiin daryeel caafimaad oo dheeraad ah, kaas oo qalabkiisa aanu dalka oolin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM