Covid-19: Shacabka Garowe oo lagu booriyey "in ay guriyahooda joogaan"

Image

GAROWE, Puntland – Gudiga nabad-gelyada gobolka Nugaal oo kulmay ayaa go'aano kasoo saarey xaaladaha ka hortagga Coronavirus.

War-saxaafadeed kasoo baxay kulanka ayaa lagu sheegay in ay sii xirnaanayaan goobaha waxbarashada, illaa iyo amar dambe.

Talaabadaan ayaa lagu xoojinayaa go’aankii kasoo baxay xukuumadda oo ku saabsanaa in goobaha dadka ku kulmaan la xiro.

Sidoo kale, guddigu wuxuu adkeeyay go'aanka lagu mamnuucay keenista iyo ka ganacsiga qaadka, oo ciddii jebisay kula kulmay ciqaab.

"Waxaa dadweynaha gobolka Nugaal lagu dhiiragelinayaa in ay joogaan guriyahooda, yareyaan dhaqdhaqaaqa iyo isu socodka aan muhiimka ahayn, sidoo kale waxaa muhiim ah in ay qaataan talooyinka khuburada caafimaadka," ayuu ku daray bayaanka.

Iyaddoo wali wasaaradda caafimaadka Puntland aysan wali soo warin wax kiis oo caabuqaas ah, waxay dowladdu shalay ku dhawaaqdey in ay xirtey xuduudaha ay la wadaagto Somaliland iyo Kilinka Shanaad.

Somaliland iyo dowlad degaanka ayaa laga soo sheegay in dad loo karan-tiilay xanuunkaas, kuwaasoo ay haatan baaritaan dheeraad ah ku socoto isla markaana la hubinayo hadii jirkooda uu ku jiro fayruskaas halista ah.

Hoos ka akhriso bayaanka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM