Covid-19: Shacabka Garowe oo lagu booriyey "in ay guriyahooda joogaan"

Image

GAROWE, Puntland – Gudiga nabad-gelyada gobolka Nugaal oo kulmay ayaa go'aano kasoo saarey xaaladaha ka hortagga Coronavirus.

War-saxaafadeed kasoo baxay kulanka ayaa lagu sheegay in ay sii xirnaanayaan goobaha waxbarashada, illaa iyo amar dambe.

Talaabadaan ayaa lagu xoojinayaa go’aankii kasoo baxay xukuumadda oo ku saabsanaa in goobaha dadka ku kulmaan la xiro.

Sidoo kale, guddigu wuxuu adkeeyay go'aanka lagu mamnuucay keenista iyo ka ganacsiga qaadka, oo ciddii jebisay kula kulmay ciqaab.

"Waxaa dadweynaha gobolka Nugaal lagu dhiiragelinayaa in ay joogaan guriyahooda, yareyaan dhaqdhaqaaqa iyo isu socodka aan muhiimka ahayn, sidoo kale waxaa muhiim ah in ay qaataan talooyinka khuburada caafimaadka," ayuu ku daray bayaanka.

Iyaddoo wali wasaaradda caafimaadka Puntland aysan wali soo warin wax kiis oo caabuqaas ah, waxay dowladdu shalay ku dhawaaqdey in ay xirtey xuduudaha ay la wadaagto Somaliland iyo Kilinka Shanaad.

Somaliland iyo dowlad degaanka ayaa laga soo sheegay in dad loo karan-tiilay xanuunkaas, kuwaasoo ay haatan baaritaan dheeraad ah ku socoto isla markaana la hubinayo hadii jirkooda uu ku jiro fayruskaas halista ah.

Hoos ka akhriso bayaanka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM