Cuduro 'ka geeri badan' Covid19 oo laga digay in ay ka dilaacan Qardho

Image

GAROWE, Puntland – Kadib fataadihii ka dhashay roobka mahiigaanka ahaa, Qardho waxaa suurtagal ah in ay ka dilaacaan cuduro ka dhimasho badan Coronavirus, sidda uu tibaaxay Wasiirka Caafimaadka dowlada Puntland.

Dr Jaamac Faarax Xasan wuxuu hadalkaas ka sheegay shir jaraa'id oo uu ku qabtay xarunta gobolka Karkaar ee bariga Soomaaliya.

Xilli uu wasiirka uga dhigay dadweynaha, cuduradaas oo ka dhasha cabista biyaha wasaqeysan waa; Daacuunka iyo Shuban-biyoodka.

"Waxaan ka codsanayaa dadka magaalada Qardho in ay aad uga feejignaadaan xanuunadaas iyo qashinkaas magaalada dhex-yaala," ayuu yiri xilli uu carabka ku adkeeyay digniinta halista taagan.

Daacuunka iyo Shuban-biyoodka oo safka hore kaga jira xanuunada ugu khatarta badan caalamka ayaa ah kuwa si deg-deg ah ku faafa.

Inkastoo ay socdaan howlo nadiif ah, qaybo kamid ah magaalada waxaa yaala biyo wasaqeysan taas oo xukuumada ku waanisay dadweynaha in aysan isticmaalin si aysan khatar u gelin noloshooda.

Dhinaca kale, wasiirka ayaa meesha ka saarey in "laga jeestay" ololaha ka hortagga Covid-19 kadib xaalada kasoo cusboonaatay Qardho.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu ka dhawaajiyey in xuduudaha Puntland ay xiran yihiin, laamaha ammaankuna wacyi-geliyaan shaqsiyaadka sidda dhuumaaleysiga kaga soo talaaba sohdimaha.

Degaanada Puntland ayaa laga diiwaan-geliyey 11 xaalado oo ah safmarka dilaaga ah ee Coronavirus iyo hal dhimasho ah; qaar kamid ah bukaanada laga helay caabuqa ayay xaaladoodu soo fiicnaaneysaa, sidda lagu waramay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM

Guddoomiye Hore oo Maleeshiyaad La Tegay Gobolkiisa — Puntland oo Ka Hortimid

Cabdirashiid Jibriil oo todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa…

  • Puntland

    06-07-2025

  • 06:52AM