​Culimada oo taageertay mowqifka wasiirka haweenka Puntland

Image

GAROWE, Puntland- Salaaddii Jimcaha shalay, ee maasajidda magaalada Garowe ayaa looga hadlay arrimo ku aadan buug dhawaan si qarsoodi ah loo faafiyay, kaasoo lagu qoray qodobo kasoo horjeeda shareecadda Islaamka iyo dhaqankeenna suuban, kaasoo ay soo bandhigtay wasaaradda haweenka iyo xafiiska u doodaha xuquuqul insaanka Puntland oo si wadajir ah u sheegay inay baaritaan ku samayn doonaan.

Culimada, ayaa ammaanay sida wanaagsan oo kartida leh ee ay wasiirka haweenka iyo Guddoomiyaha u doodaha xuquuqul insaanka u difaaceen diinteenna islamarkaana uga hortageen in buuggan oo si qarsoodi ah loo baahiyay uusan ku dhex faafin bulshada.

Sheekh Maxamud Xaaji Yuusuf, ayaa sheegay in wadciga maanta lagu jiro adagtahay in shakhsiyaad noocaan oo kale ah la helo, isagoo labadaas mas'uul ku ammaanay sida ay uga hortageen in waxyaabo shirki ah bulshada lagu dhex faafiyo.

Anisa iyo Maxamed, ayuu Shiikhu alle uga baryay inuu ka ajarsiiyo sida ay is-hortaagga ugu sameeyeen arrintaasi, isagoo xubnaha kale ee dowladda iyo culimada ugu baaqay inay u istaagaan sidii baadilka looga joojin lahaa bulshada.

Sheekha, ayaa sidoo dowladda iyo shacabka Puntland ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii diinta loo difaaci lahaa, isagoo carrabka ku dhuftay inay jiraan hagardaamooyin iyo faro galin lagu hayo diinta Islaamka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in wasiirka Anisa aysan ku lug lahayn faafinta buuggaasi, balse ay tahay halyeey diinta Difaacay.

Arrintan, ayaa timid xilli buug la faafiyay xuska maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul insaanka, labo qodob oo kamid ahaa si weyn uga soo horjeedaan diinteenna iyo dhaqanka Suuban, waxaana iyadoo aan war laga hayn warbaahinta usoo bandhigay wasiirka haweenka Puntland oo soo helay buugaas oo si qarsoodi ah loo faafiyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM