​Culimada oo taageertay mowqifka wasiirka haweenka Puntland

Image

GAROWE, Puntland- Salaaddii Jimcaha shalay, ee maasajidda magaalada Garowe ayaa looga hadlay arrimo ku aadan buug dhawaan si qarsoodi ah loo faafiyay, kaasoo lagu qoray qodobo kasoo horjeeda shareecadda Islaamka iyo dhaqankeenna suuban, kaasoo ay soo bandhigtay wasaaradda haweenka iyo xafiiska u doodaha xuquuqul insaanka Puntland oo si wadajir ah u sheegay inay baaritaan ku samayn doonaan.

Culimada, ayaa ammaanay sida wanaagsan oo kartida leh ee ay wasiirka haweenka iyo Guddoomiyaha u doodaha xuquuqul insaanka u difaaceen diinteenna islamarkaana uga hortageen in buuggan oo si qarsoodi ah loo baahiyay uusan ku dhex faafin bulshada.

Sheekh Maxamud Xaaji Yuusuf, ayaa sheegay in wadciga maanta lagu jiro adagtahay in shakhsiyaad noocaan oo kale ah la helo, isagoo labadaas mas'uul ku ammaanay sida ay uga hortageen in waxyaabo shirki ah bulshada lagu dhex faafiyo.

Anisa iyo Maxamed, ayuu Shiikhu alle uga baryay inuu ka ajarsiiyo sida ay is-hortaagga ugu sameeyeen arrintaasi, isagoo xubnaha kale ee dowladda iyo culimada ugu baaqay inay u istaagaan sidii baadilka looga joojin lahaa bulshada.

Sheekha, ayaa sidoo dowladda iyo shacabka Puntland ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii diinta loo difaaci lahaa, isagoo carrabka ku dhuftay inay jiraan hagardaamooyin iyo faro galin lagu hayo diinta Islaamka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in wasiirka Anisa aysan ku lug lahayn faafinta buuggaasi, balse ay tahay halyeey diinta Difaacay.

Arrintan, ayaa timid xilli buug la faafiyay xuska maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul insaanka, labo qodob oo kamid ahaa si weyn uga soo horjeedaan diinteenna iyo dhaqanka Suuban, waxaana iyadoo aan war laga hayn warbaahinta usoo bandhigay wasiirka haweenka Puntland oo soo helay buugaas oo si qarsoodi ah loo faafiyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM