​Culimada Puntland oo ka hadashay dilalka Bosaso [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Culimada Puntland, ayaa ka hadashay dilal maalmo isku dhow ka dhacay magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari, kuwaaso lagu khaarajiyay mas'uuliyiin katirsan dowladda Puntland.

Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garowe, ayaa sheegay in arrintaas tahay waxay aad uga xunyihiin isagoo baaq xooggan u diray dhalinyarada had iyo goor ay adeegsadaan kooxaha Argagixisada ah.

Maxamuud, ayaa tilmaamay in diinta Islaamku aysan meelna kasoo galin dilka loo gaysanayo qof muslim ah, wuxuuna sheegay inay jiri doonto maalin qof walba lagula xisaantami doono wuxuu sameeyay.

Isagoo sii hadlayay, wuxuu Shiikhu dhalinyarada u sheegay in dilalka ay gaysanayaan Aakhiro aysan dambigiisa ka qaadi doonin dadka soo dirsaday ee katirsan kooxaha huwan magaca diinta Islaamka.

Waa markii ugu horaysay muddo ka badan todobaad culimada Puntland ka hadlaan dilalka qorshaysan ee dib ugu soo laabtay magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari, taasoo lagu dilay taliye ku-xigeenkii Saddexaad ee ciidanka Booliiska iyo Agaasimihii madaxtooyada Bosaso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM