Culimada Somalia oo ka digey fidinta madhabta Shiicada

Image

Sept 18,2015 (GO)- Kulan ay ku yeesheen culimada Somali-yeed magaalada Bosaso ayaa markii ugu horaysay ka hadleen kutub shiico ah oo soo galay deegaanada Somalida gaar ahaan Puntland.

Culimada ayaa hadalkoodu ku soo aaday kadib qaylo dhaan ka timid kutub xambaarsan fikriga shiicada ah oo laga soo rarayo dalka dibadiisa.

War qoraal ah oo ay soo saareen culimadu ayaa lagu sheegay inay sameeyeen dabagal ka dib markii ay hubsadeen arrinkaan oo lid ku ah caqiida Islaamka iyo midnimada umada Somali-yeed.

Culimada ayaa Radio Garowe waxaa ay soo gaarsiiyeen bayaankaan ay uga digayaan kutubtaas in la keeno guud ahaan Somali-ya gaar ahaan deegaanada Puntland.

Dowlada Iran oo tageero u fidisa Houthis ka dagaalamaya wadanka Yamen ayaa bilaabowdey saameyn siyaasdeed iyo mid dhaqan iney ku yeelato dalka Somalia kadib markii dhowan safaarad ka fureen magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland ayaa magaalada Garowe ku qabailey wafdi ka socda dalka Iran kuwasoo ay hogaaminayaan saraakiil ka socotey safaarada Iran iyo hay'ada la yiraahdo Khumeini Foundation.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM