Daacish oo gashay degmo hoostagta gobolka Bari

Image

GAROWE, Puntland -  Dagaalameyaasha Daacish ayaa lagu waramay in ay qabsadeen degmada Balidhidin ee gobolka Bari, iyagoo dilay guddoomiyihii degmada sidoo kalena dhaawacay hal qof oo rayid ah.

Maleyshiyadda ayaa lasoo wariyey in ay magaaladda galeen abbaare 20:00 saacadood waqtiga Geeska Afrika. Ciidamada Puntland ayaa dhowaan kula dagaallamay kooxda Daacish dhulka buuraleyda ah.

Sida ay sheegayaan warar aan wali la xaqiijin, marxuum Maxamed Axmed Muumin ayaa xilli la dilayey wuxuu ahaa ilaalo la'aan. Warbixino kale waxay tibaaxayaan in uu sameeyay iska caabin balse laga awood-roonaadey.

"Ka sokow dilka guddoomiyaha waxaa jira khasaaro kale oo soo gaarey shacab maadaama goobta weerarku gaadmada ahaa uu ka dhacay ahayd meel bulshada isugu timaado," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka.

Ma cadda haddii dagaalameyaasha ISIL ay wali baaqi ku yihiin degmada ama in ay dib uga baxaan. Isgaarsiinta ayaa ah mid culus. Illaa haatan ma jiro wax war ah oo ku saabsan falkan oo kasoo baxay dowlada Puntland.

Bilihii lasoo dhaafay, ciidamada ammaanka Puntland ayaa dhowr dagaalame ISIL kaga dilay howlgalo qorsheysan oo ay ka fuliyeen degaanada buuraleyda ah waxaana qeyb ka ahaa saraakiil sarre oo ajaaniib ahaa.

Daacishta Soomaaliya oo ku dhuumaaleysata degaanada buuraleyda ee Puntland ayaa waxaa hogaamiya Cabdiqaadir Muumin kaasoo horey uga mid ahaa horjoogeyaasha ururka Al-Shabaab uuna baadi-goobayo Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM