Daacish oo gashay degmo hoostagta gobolka Bari

Image

GAROWE, Puntland -  Dagaalameyaasha Daacish ayaa lagu waramay in ay qabsadeen degmada Balidhidin ee gobolka Bari, iyagoo dilay guddoomiyihii degmada sidoo kalena dhaawacay hal qof oo rayid ah.

Maleyshiyadda ayaa lasoo wariyey in ay magaaladda galeen abbaare 20:00 saacadood waqtiga Geeska Afrika. Ciidamada Puntland ayaa dhowaan kula dagaallamay kooxda Daacish dhulka buuraleyda ah.

Sida ay sheegayaan warar aan wali la xaqiijin, marxuum Maxamed Axmed Muumin ayaa xilli la dilayey wuxuu ahaa ilaalo la'aan. Warbixino kale waxay tibaaxayaan in uu sameeyay iska caabin balse laga awood-roonaadey.

"Ka sokow dilka guddoomiyaha waxaa jira khasaaro kale oo soo gaarey shacab maadaama goobta weerarku gaadmada ahaa uu ka dhacay ahayd meel bulshada isugu timaado," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka.

Ma cadda haddii dagaalameyaasha ISIL ay wali baaqi ku yihiin degmada ama in ay dib uga baxaan. Isgaarsiinta ayaa ah mid culus. Illaa haatan ma jiro wax war ah oo ku saabsan falkan oo kasoo baxay dowlada Puntland.

Bilihii lasoo dhaafay, ciidamada ammaanka Puntland ayaa dhowr dagaalame ISIL kaga dilay howlgalo qorsheysan oo ay ka fuliyeen degaanada buuraleyda ah waxaana qeyb ka ahaa saraakiil sarre oo ajaaniib ahaa.

Daacishta Soomaaliya oo ku dhuumaaleysata degaanada buuraleyda ee Puntland ayaa waxaa hogaamiya Cabdiqaadir Muumin kaasoo horey uga mid ahaa horjoogeyaasha ururka Al-Shabaab uuna baadi-goobayo Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM