Daallo Airlines oo daahfurtey duulimaad isku xiraya Garoowe-Dubai.

Image
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa bogaadiyey duulimaadkan cusub ee ay soo kordhisay Daallo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta daah-furay duulimaadka cusub ee ay soo kordhisay Shirkadda Diyaaradaha Daallo Airlines, taasi oo Garoowe ka billaabaysa duulimaad toos ah oo isku xidhaya Garoowe-Dubai.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa bogaadiyey duulimaadkan cusub ee ay soo kordhisay Daallo, isaga oo muujiyey sida ay dowladdu Ahmiyad gaar ah u siinayso horumarinta Garoomada iyo duulimaadyada Puntland ku xidhaya Adduunka intiisa kale.

Munaasabada waxa ka qayb galay Wasaarada Duulista, Hawada iyo Garoomada, Duqa Degmada Garoowe, masuuliyiinta Shirkada, Ganacsato iyo marti sharaf  kale. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM