Daawo barnaamijka Wasaarada Warfaafinta Puntland shaqada kaga joojisay Universal TV

Image

GAROWE, Puntland- Wasaarada warfaafinta  Puntland ayaa soo saartay amar ay Universal TV kaga joojinayso inuu ka howlgalo degaanada hoos yimaada.

 Warqad kasoo baxday wasaarada warfaafinta oo uu ku saxiixan yahay wasiir ku xigeenka xilka sii haya Nuur Yuusuf Axmed, waxa ay ku eedaynaysa Tvga iska hor keen bulshada Puntland iyo warar aan anshax aheyn.

Amarka Wasarada Warfaafinta Puntland oo in muddo ah Wasiir la'aan ahyed ayaa yimid kadib markii habeenkii Sabtida Universal Tv uu ka baxay barnaamij la yiraahdo faaliyaha qaranka kasoo lagu soo qaatey riwaayad lagaga hadlayo safarda Madaxweyne Gaas iyo sida ay u yihiin kuwo lagu Marin habaabiyo shacabka Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo lagu sheego in waxbarashdiisa qaybo kamid ah ku soo qaatey dalka Mareykanka islamarkaana macalin ka noqdey jaamacad ku taal wadankaas  ayaa sida la rumeysan tahay waxaa aad u hooseeya dulqaadkiisa dhinaca saxafada xorta ah.

Xukuumada Madaxwyene Gaas ayaa tan iyo intii xilka Madaxweynaha qabatey xarig badan u gaysatey xarumaha Idaacadaha halka saxafiyiinta la kulmaan xabsi lana sii daayo iyadoo aan la horkeenin wax Maxkamada ah.

Xariga Universal Tv ayaa imaanaya sidoo kale xilli barlamanka Puntland dhowaan ansaxiyey sharciga saxaafada kasoo tilmaamayey talaabooyinka loo baahan yahay in la qaado marka arimahaan oo kale yimadaan.

Halkaan ka daawo barnaamijka looga joojiyey 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM