​DAAWO: Shacabka magaalada Garowe oo ka bannaan-baxay Sicir-bararka ka jira Puntland

Image

GAROWE,Puntland- Shacabka magaalada Garowe, ayaa maanta dhigay bannaan-bax ay uga soo horjeedaan sicir-bararka baahsan ee ka jira suuqyada Putland iyo dhibaatada laga dhaxlay lacagaha faalsada ah ee dowladdu ku daabacayso magaalada Bosaso.

Dadweyne u badan kuwa danyarta ah ee ku ganacsada suuqyada caasumadda Puntland, ayaa saaka socod dheer ku maray wadad halbowlaha ah ee dhexmarta magaalada, iyagoo muddo kooban xanibay isu-socodka gaadiidka.

Waxay dalbanayeen in wax laga qabto arrintan oo ay sheegeen inay khatar galisay noloshooda iyo maaraynta quutul-daruuriga taasoo ciriiri gashay tan iyo markii uu xilka qabtay Madaxweyne Gaas.

Laamaha kala duwan ee dowladda ayay ku dhaliileen inaysan waxba ka qaban baahida shacabka iyagoo xusay inay marar badan soo gudbiyeen marxaladdan ay ku jiraan.

Golaha Barlamanka, ayay si gaar ah farta ugu fiiqeey iyagoo ku eedeeyay inaysan gudan waajibaadkii loo igmaday iyo u doodista shacabka, waxayna ku tilmaameen shakhsiyaad eeganaya danahooda iyo mushaharkooda billaha ah, taasoo aysan helin kuwa uga baahida badan sida ciidamada Qalabka sida.

Qaar kamid ah dadweynihii la hadlay warbaahinta, ayaa tilmaamay in $100[Boqolkii dollar] lagu sarrifayo suuqyada Garowe 3,000,000shs [Saddex Malyan oo shilin Soomaali ah].

Bannaan-baxan oo dhowr jeer ka dhacay magaalada Garowe, ayaa yimid xilli fashil uu ku yimid ballanqaad ay sameeyeen maamulka gobolka Nugal iyo wasaaradda maaliyadda Puntland, kuwaasoo horay u go'aamiyay in $1 dollar lagu sarrifo 24,000shs.

Mar aan wax ka weydiinay Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Nugal, Qaasim Maxamed Cabdi, wuxuu noo sheegay inaysan awood u lahayn wax ka qabashada arrintan balse u taalo dowladda iyo madaxda ka sarraysa.

Xaaladdan ayaa imaanaysa xilli abaaro baahsan ka jiraan deegaanada Puntland iyo hoos u dhac ku yimid dhaqaalaha taasoo loo aanaynayo lacagaha dowladdu daabacsaday iyo kharashaadka loo istic-maalay safarrad oo aad u badnaa sannadkii tagay 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM